Posts

Showing posts from March, 2021

Maclumaad kooban: ururka iskaashiga Islamka (OIC)

Image
Ururka Iskaashiga Islaamka (Organization of Islamic Cooperation-OIC), waa urur doowli ah, waxaa la aas`aasay sanadkii 1969, magaalada Rabat ee caasimada wadanka Morocco ayaana lagu aas`aasay, kadib markii ay ciidamada Yahuudu ay weerareyn masjidka barakeysan ee Qudus.  waa ururka labaad ee ugu xubnaha badan dunida marka laga soo tago Qaramada Midoobay. OIC waxaa xubna ka ah 57 doowladood oo dadkooda (Akhlabiyada) ay muslimiin yihiin marka laga reeba 10 doowladood. OIC waxaa aas`aasay 32 doowladood, 25 kalane dib ayeey uga soo biireeyn, taas oo ka dhigeeysa wadarta guud 57 doowladood. Ujeedooyinkii loo sameeeyay Ururka  Sida uu qabo cutubka kowaad, qodobkiisa 1aad, ee Axdiga lagu aas`aasay OIC, ujeedooyina loo sameeeyay ururka waxaa ugu muhiimsan dhoowr ujeedo. 1: In saro loo qaado, lana xoojiyo isku xirnaanta walaaltinmada iyo midnimada ka dhaxeysa doowladaha xubnaha ka ah. 2: In la taageero, lana awoodsiiyo shacabka falastiiniyiinta si ay u hantaan xaqooda aayakatashiga iyo i...