Posts

Showing posts from May, 2020

Dimuquraadiyadda iyo dunida muslimka ah.

Waa maxay nidaamka Dimuquraadiyadda? Tiirarka Saldhiga u ah, iyo ma dhabbaa dimuquraadiyadda ay reer galbeedku la doonayaan dunida mislimka ah?. "Dimuquraadiya ma ahan hormarka la hiigsanayo, ee waddo la maro oo kaliya, markii laga eego dhanka cilmiga" Sidaa waxaa yiri madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdoğan.  Dimuquraadiya waa mid ka mid Nidaam xukun siyaasadeedka dunidaan ka jira, waana midka ugu badan ee doowladaha dunida ay isticmaalaan, kaligii-taliyaha, ha'aado Boqor ama Military waxa uu jecel yahay in nidaamkiisa loogu yeero Talowadaag. Macnaha dimuquraadiya waxa ay tahay in dadku ay doortaan hogaamiyahooda ama matalahooda. Dimuquraadiyada labo ayaa loo qeeybiyaa. Dimuquraadiyad toos ah: waa talowadaag ay dadku toos ugu codeeynayaan siyaasadaha doowlada, waxa ay go'aamiyaan ama saameyn ku yeeshaan natiijooyinka soo baxa. Sida Brexit referendum. Switzerland ayaa ah tusaalaha naadirka ah ee dabaqay talawadaaga tooska ah, muwaadiniinta wadankaas wax ay awood ...

Qaanuunka caalamiga ah doowlad muxuu u yaqaan? Xaqa ay leedahay iyo waajibaadka saaran

Image
Sida uu qabo, qodobka 1aad, ee xeerka xuquuqda iyo waajibaadka doowladnimo ee Montevideo. Qaanuunka caalamiga ah Doowlad waxa uu u yaqaan wixii laga helaa afar shardi oo kala ah. 1: "Dhul xuduudeed sugan" oo leh 2: "Dad dagan" oo sameeysatay 3: "Maamul" leh 4: "Madaxbanaani" arimaha gudaha iyo dibada, awoodna u leh inay xariir la yeelato doowlada kale. Doowladaha dunida ka jira, waa ay kala duwan yihiin nidaamyadooda siyaasadeed, Talawadaag ama kali-gii taliye, boqortooyo ama urur diimeed. Saas oo ay tahayne midkastaahi waxa uu leeyahay afartaa astaamood. Bayaanka xaqa iyo wajibaadka doowladnimo ee soo baxay, sanadkii 1949, laguna ansixiyay fadhigii ugu horeeyay ee golaha guud ee Qaramada midoobay. Waxa uu ka kooban yahay 14 qodob, afar kamida waxa lagu cadeeyay xaqa ay leedahay doowlad kasta, tobanka kalane waxa lagu sheegay waajibaadka saaran doowlad kasta. Qodobadaani waxa laga soo kala qaatay 《Qabya qoraalka Panamanian i...