Posts

Showing posts from August, 2020

Safarkeygii 《Muqdisho ilaa mareeg》Qeybta 1aad.

Image
Mareeg waa degaan qadiimi ah oo saaran badweynta hindiya, waxa uu ku yaalaa bariga degmada Ceel dheer ee gobalka Galgaduud, waxii ka horeeyay xuriyadii, Mareeg waxaa loo aqoon jiray inta u dhaxeeysa Bud Bud, Masagawaay ilaa Degmada Xaradheere ee gobalka mudug. deegaan weynaha Mareeg waxa uu taarikh facweyn ku leeyahay guud ahaan gayiga Somaalidu degto, waayo waxaa ku dhashay labo kamida 13 SYL, kuwaas horseed u haa in Somaalidu iska qaado heeryada gumeysiga. waxayna kala ahaayeen Gudoomiye ku-xigeenkii ururka Maxamed Xirsi Nuur (Sidii) iyo Maxamed farax hiloowle. Mareeg waxa ay aheed marsadii sadaxaad ee Gumeeystihii Talyaniga. waxa uu ahaa safar degaan barasho, oo aan u uga talaabay soohdinta sadax gobal si aan u gaaro magaaladii aan ku dhashay ee Masagawaay, si aan farxadda ciidda ula soo qaato hooyo, ilmaha  iyo qaraabada. waxaa tagitaanka magaaladeyda iigu dambeysay shan sanno ka hor, ( 10 sanno oo aan waxbarasho u joogo Muqdisho). Talado 28 july, goor subax ah sacaduna ay taha...