Posts

Showing posts from January, 2021

Wax maanta fari gaarto oo birrito aan faras gaarin baa jira.

Image
Dalku waxa uu ku jiraa xaalad cakirnaan oo dhanka siyaasada ah taas saameyn ku yeelan doonto dhamaan jaanibyada nolosha, haddi aan la helin caqli caafimaad qaba kaas dalka ka badbaadiya in uu galo daganaasho la'aan sababi karta in uu baabi'iyo dhamaan dadaaladii dib loogu yagleelaay doowlad dhisida Soomaalia 20kii sanno ee ugu dambeeysay. Muddo xileedka golaha shacabka waxa uu ku ekaa 27-December ee sanadkii tagay, kan madaxweynaha waxa uu ku'eg yahay 8-Febraury, waxaana ka harsan 17 maalin, Mana muuqato ififaalo muujinaya Shaqo socoto oo ralli laga wadayahay. Daneeyaasha doorasha markii laga soo tago Shacabka, waxa ay u qeeybsan yihiin afar dhinac sidda muuqata hadda, Doowlada Federalka iyo maamul gobaleedyada Koonfur galbeed, hirshabeele iyo Galmudug oo dhinac ah, butland iyo Jubaland oo dhinac ah, musharaxiinta mucaaradka ah oo dhinac ah (inkastoo doodoodu ay lamid tahay butland iyo jubaland) iyo beesha caalamka oo ah cidda bixineysa inta badan miisaaniyada ku baxeysa d...