Wax maanta fari gaarto oo birrito aan faras gaarin baa jira.



Dalku waxa uu ku jiraa xaalad cakirnaan oo dhanka siyaasada ah taas saameyn ku yeelan doonto dhamaan jaanibyada nolosha, haddi aan la helin caqli caafimaad qaba kaas dalka ka badbaadiya in uu galo daganaasho la'aan sababi karta in uu baabi'iyo dhamaan dadaaladii dib loogu yagleelaay doowlad dhisida Soomaalia 20kii sanno ee ugu dambeeysay.

Muddo xileedka golaha shacabka waxa uu ku ekaa 27-December ee sanadkii tagay, kan madaxweynaha waxa uu ku'eg yahay 8-Febraury, waxaana ka harsan 17 maalin, Mana muuqato ififaalo muujinaya Shaqo socoto oo ralli laga wadayahay. Daneeyaasha doorasha markii laga soo tago Shacabka, waxa ay u qeeybsan yihiin afar dhinac sidda muuqata hadda, Doowlada Federalka iyo maamul gobaleedyada Koonfur galbeed, hirshabeele iyo Galmudug oo dhinac ah, butland iyo Jubaland oo dhinac ah, musharaxiinta mucaaradka ah oo dhinac ah (inkastoo doodoodu ay lamid tahay butland iyo jubaland) iyo beesha caalamka oo ah cidda bixineysa inta badan miisaaniyada ku baxeysa doorashooyinka.

Doorashaadani maxaay kala mid tahay tii dhacday 2016-2017

1: In ay tahay doorasho dadban (inkastoo ergada lagaarsiiyay 101 xubnood).

2: In guddiga inta ugu badan ay yihiin shaqaale doowladeed iyo shaqsiyaad olog la'eh madaxda talada heysa maanta.

3: In dood cabasho ay ka taagan ah dhaxdhaxaadnimada guddiga doorashooyinka.

Doorashaadani maxaay ugu duwan tahay tii dhacday 2016-2017.

1: In uu jirro Reysawasaare rabba in uu dhiso madaxweynihiisa, halka tii hore ay wadda tartamayeen Madaxweynaha iyo reysawasaaraha, taas oo jaanis fiican siisay Mucaaradka maadaama ay hardamayaan labada shaqsi ee miisaan ahaan dalka ugu sareeyay, Guddiga doorashooyinkuna labada garab (xafiis) ayeey ka socdeen laakiin tan maanta hal dhinac ayuu ka raran yahay.

2: In la kordhiyay deegaan doorashada lagana dhigay (lobo deegaan doorasho), halka tii hore ka aheed hal deegaan doorasho. Waxa ayna abuurtay muran cusub oo ah arrinta Gedo.

3: in masraxa siyaasada soomaaliya ay haldhinac u xiran tahay marka loo fiiriyo doorkii doowladaha khaliijka ku lahaayeen doorashadii hore.

Marxaladaan adag darteed, beesha caalamka waxa ay muujiyeen in jaan gooynta siyaasada Somaaliya aan marna looga maarin, xuumada hadda jirtaa 4tii sanno ee lasoo dhaafay, waxa ay muujineeysay, in Somali ay wadda hadli karto, waxna ku heshii karaan ayadoo aynan beesha caalamka dhaxfadin, lakiin taasi waa ay beenoowday. Sababtoo Soomaali isma heyso waa leesku leesku haayaa, mana heshii la'o ee inay heshiiso ayaan la rabin.

Taladeeyda ku aadan xaaladaan cakiran ee uu dalku ku jiro.

1: In madaxda talaheysa maanta heer faderal, heer maamul gobaleed iyo musharaxiinta micaaradka ay la yimaadaan tanaasul siyaasadeed si loogu turro nidaamkaan curdunka ah ee 20kii sanno ugu dambeeysay ahaa quri isku dhiibka.

2: In lala yimaado nidaam doorasho oo ka duwan midkaan, awoodana dib loogu celiyo shacabka.

3: In lala yimaado qorshe lagu kala qaadayo, doorashooyinka xildhibaanada iyo midda madaxweynaha, si looga fogaado in uu dhaco ismari waa midkaan oo kala ah.

Ku dar wixii ka dhiman, ka sax wixii ka khalda.

Wabilaahi toowfiiq.

W/Q: Abdinasir Sulley

Comments

Popular posts from this blog

Maclumaad kooban: ururka iskaashiga Islamka (OIC)

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay (Security Council)

Kaligii-talisnimo hal xisbi ah iyo hormar dhaqaale.