Thomas Sankara: Halyeygii iska diiday kaalmada shisheeye
”Haddii aynu akhbalnaa inaan u noolaano habka Afrikanku u noolyahay, waa habka kaliya ee aynu ugu noolankarno xuriyad iyo sharaf". Thomas Sankara . Waxa uu dhashay sanadkii 1949, waxa uu ku dhasahy magaalada Yokko, oo 75 KM dhanka galbeed uga beegan caasimada Burkina Faso ee Ouagadougou, waxa uu ahaa cunuga saddaxaad, caruur ka kooban toban oo ay walaalo yihiin, walidkii waxa ay doonayeyn in uu barto kana shaqeeyo xafladaha diinta Christian (priest). balse sidii ay jeclaayeyn jiilkisii waxa uu ku biiray ciidamada sanadkii 1970, markii uu gaaray da`aada 20 sanno waxaa loo diray wadanka Madagascar asigoo ah sargaal tababar, intii uu halkaasi joogay waxa uu marag madoonto u ahaa kacdoon ay sameeynayen arday iyo beeraleeyda wadooyinka Antananarivo. sargaalkii dhalinyarda ahaa dalkiisa ayuu dib ugu soo laabtay asigoo ayku jirto ruux kacaan (revolutionary spirit). Sanadkii 1974, Sankara waxaa loogu yeeray in uu yahay geesi, kagadaal markii qibradiisa iyo qorshihii uu dajiyayba ay door m...