Thomas Sankara: Halyeygii iska diiday kaalmada shisheeye



”Haddii aynu akhbalnaa inaan u noolaano habka Afrikanku u noolyahay, waa habka kaliya ee aynu ugu noolankarno xuriyad iyo sharaf". Thomas Sankara.

Waxa uu dhashay sanadkii 1949, waxa uu ku dhasahy magaalada Yokko, oo 75 KM dhanka galbeed uga beegan caasimada Burkina Faso ee Ouagadougou, waxa uu ahaa cunuga saddaxaad, caruur ka kooban toban oo ay walaalo yihiin, walidkii waxa ay doonayeyn in uu barto kana shaqeeyo xafladaha diinta Christian (priest). balse sidii ay jeclaayeyn jiilkisii waxa uu ku biiray ciidamada sanadkii 1970, markii uu gaaray da`aada 20 sanno waxaa loo diray wadanka Madagascar asigoo ah sargaal tababar, intii uu halkaasi joogay waxa uu marag madoonto u ahaa kacdoon ay sameeynayen arday iyo beeraleeyda wadooyinka Antananarivo. sargaalkii dhalinyarda ahaa dalkiisa ayuu dib ugu soo laabtay asigoo ayku jirto ruux kacaan (revolutionary spirit).

Sanadkii 1974, Sankara waxaa loogu yeeray in uu yahay geesi, kagadaal markii qibradiisa iyo qorshihii uu dajiyayba ay door muhiim ah ka ciyaareyn muran xuduudeedkii u dhaxeyay wadankiisa iyo Mali, waxa uu ahaa shaqsi codkar, aragti furan, toosna u abaara waxa uu rabo (outspoken person), waxaa uu necbaa mumusmaasuqa iyo kutiirsana France oo horay u soo gumeeystay Burkina Faso.

sanadkii 1983, madaxweyne Jean-Baptiste Ouedraogo ayaa Sankara u magacaabay Reysawasare, bilo yar kadib xilkii ayaa laga qaday, xabsi gurine waa lagaliayay. waxaa bilaawday kacdoon shacab kaas oo ruxay caasimadii, waxaa istaagay shaqadii xukuumada, waxaa dhacay inqilaabkii 4aad, 17 sanno gudahood Burkina Faso, waxaana hogaaminayay saaxiibkii Sankara waa Blaise Compaore, Sankara waxa uu helay xuriyadiisii, waxa uu noqday madaxweynihii wadanka asigoo jiro 33 sanno.

Waxqabadkiisii Afartii sanno uu xilka haayay (1983-1987)

1: waxa uu wadankiisa ka badalay magacii uu gumeystaha u bixiyay ee ahaa Upper Volt, waxa uuna u badalay Burkina Faso oo macnaheedu yahay (Dhulkii dadka qumanaa).

2: waxaa uu luqadaha rasmiga ah ee dalka ka dhigyay labada luqadood ee ugu weyn wadanka ee kala ah Moore iyo Dyula.

3: waxa uu dalkiisa ka mamnuucay dhamaan kaalmada shisheeye.

4: waxa uu dalkoo idil gaarsiiyay Oloaha Akhriska iyo qoraalka (National-wide literacy campaign), oo markii hore ahaa 13%, waxa uuna gaarsiiyay in dadka reer Burkina Faso ay wax akhri karaan waxna qori karaan nisba dhan 73%.

5: afartaas sanno waxa uu 2.5 milyan oo caruur ah ka talaalay cudarada kala ah meningitis, yellow fever iyo measles. 

6: waxa uu garwaaqsaday dhibaatada ay leedahay isbadalka cimilada, afartii sanno uu joogay waxa uu talaalay 10 milyan oo geed.

7: waxa uu noqday hogaamihii ugu horeeyay oo Afrikan ah kaas jaga sarre u magacaaba haweeney, sidoo kale waxa uu mamnuucay gudniinka fircooniga ah (FGM), guurka Qasabka ah iyo guurka ragga ee haweeynka badan (Polygamy).

8: waxa uu shaqaalaha doowlada ka mamnuucay in ay wataan buurta qaaliga ah iyo inaay raacaan diyaarada khaaliga ah ee dabaqada kowaad (First Class), sidoo kale waxaa uu hoos u dhigay mushaarka shaqaalaha doowlada oo uu asigu ku jirro, waxaana muwaadin walbo lagu waajibiyay in xirto dharka ay soo saaraan warshadaha dharka Burkina Faso. 

9: waxa uu dhisay wadooyin iyo qadad tareen oo isku xiro dhamaan wadanka, la`aanta kaalmo shisheeye.

10: Dalkiisa waxa uu gaarsiiyay isku-filnaasho cunto (food self-sufficient), Tusale, Qamadiga markii hore halkii Hector waxa uu soo saari jiray 1,700 kg, balse afar sanno kadib waxa usoo sarayay halkii hector 3, 800 kg.


October 15, 1987, ayada oo uu socdo kulan qaas ah oo ay lahaayeen golaha fulinta, ayaa Thomas Sankara waxaa toogtay saaxiibkiis Blaise Compaore.

Blaise Compaore dalka waxa uu ka noqday madaxweyne, waxa uuna maamulayay 27 sanno, waxa uu baabiyay wixii hormar ahaa ee asiga ka horeeyay, maanta waa baxsad oo waxa raadinaya maxkamada dambiyada calamiga ah ee ICC, waxa uuna magan-galyo ku joogaa wadanka Ivory Coast.


Kudar wixii ka dhiman, kasax wixii ka khaldan.


wabilahi toowfiiq.


W/Q: Abdinasir Sulley

Comments

Popular posts from this blog

Maclumaad kooban: ururka iskaashiga Islamka (OIC)

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay (Security Council)

Kaligii-talisnimo hal xisbi ah iyo hormar dhaqaale.