Posts

Showing posts from 2020

Safarkeygii 《Muqdisho ilaa mareeg》Qeybta 1aad.

Image
Mareeg waa degaan qadiimi ah oo saaran badweynta hindiya, waxa uu ku yaalaa bariga degmada Ceel dheer ee gobalka Galgaduud, waxii ka horeeyay xuriyadii, Mareeg waxaa loo aqoon jiray inta u dhaxeeysa Bud Bud, Masagawaay ilaa Degmada Xaradheere ee gobalka mudug. deegaan weynaha Mareeg waxa uu taarikh facweyn ku leeyahay guud ahaan gayiga Somaalidu degto, waayo waxaa ku dhashay labo kamida 13 SYL, kuwaas horseed u haa in Somaalidu iska qaado heeryada gumeysiga. waxayna kala ahaayeen Gudoomiye ku-xigeenkii ururka Maxamed Xirsi Nuur (Sidii) iyo Maxamed farax hiloowle. Mareeg waxa ay aheed marsadii sadaxaad ee Gumeeystihii Talyaniga. waxa uu ahaa safar degaan barasho, oo aan u uga talaabay soohdinta sadax gobal si aan u gaaro magaaladii aan ku dhashay ee Masagawaay, si aan farxadda ciidda ula soo qaato hooyo, ilmaha  iyo qaraabada. waxaa tagitaanka magaaladeyda iigu dambeysay shan sanno ka hor, ( 10 sanno oo aan waxbarasho u joogo Muqdisho). Talado 28 july, goor subax ah sacaduna ay taha...

Mushkilad saameeyn ku leh mustaqbalka iyo hab fikirka dhalinyarada, bulshaduna ayna ku baraarugsaneyn.

Image
waa maxay Qammaar? "Qammarku waa loolan kasta oo dhaqaalo lagu kala disho, oo aan ka aheyn loolanka fardaha iyo kan gentaasha (shiishka) lagu barto, sababtoo ah sharciga ayaa baneeyay nuucaas". kulan sport waa application ay leeyihiin dhallinyaro Soomaliyeed sida ka muuqada Astaanta iyo muuqaalada sharxaya qaabka loo isticmaalo Application kaan, waxa uu u shaqeeyaa hab online, waxa uuna ku shaqeeyaa qamaarka sida shirkada waaweyn qamaarka ee kala ah, draftking, 888 sport, betfair, fanduel iyo bet365. waxa aad dhiganeeysaa lacag, waxaadna saadaalineysaa cayaaraha dhacaya maalintaas ugu yaraan labo kulan, lacagta ugu yar ee aad dhigan kartaa waa (0.5 dollar), hadii ay saadaalinmtaadu guuleeysato waxaa heli doontaa lacag dheeri, lakiin hadii ay saadaashadu guuldareysato waxa aad weyn doontaa lacagtii aad dhigatay. diinta Islam ka waxa ay xarimtay Qamaarka, sida ku xusan aayadaha 90 iyo 91 ee suuratu Al-ma`ida, aayada 90aad waxa uu Allaah subxaanahu watacalaa noogu sheegayaa afar...

Kaligii-talisnimo hal xisbi ah iyo hormar dhaqaale.

Image
Hal gobal ayaa ah tusaalaha ugu wanaagsan ee xaqiijiyay hormar dhaqaale iyo mid bulsho taas oo saldhig looga dhigay Tiknoolajiyada casriga ah, halkaas oo ayna kajirin mabaadiida dimuquraaddiyada hada ama soyaalka. Gobalka sida dhameeystiran tusaalaha ugu noqon kara waa bariga iyo qeeyb ahaan koonfur bari Asia, waxaynu dul istaagi doonaa qaar kamida wadamada ku yaala bariga iyo koonfur bari Asia, si aan usoo helno ama daaha uga qaadno xaqiiqooyinka ku dahsoon hormarka dhaqaale oo ay xaqiijiyeeyn 40 tan kii Sanno ee lasoo dhaafay, sidoo kale waxaynu daaha ka qaadi doonaa nidaamyadii siyaasadeed ee xaqiijiyay hormarkaas dhaqaale. Ma run baa oraahda oraneysa "Nidaamkaaga siyaasadeed waxa uu go'aamiyaa Nidaamkaaga dhaqaale" hadii Nidaamka siyaasadeed uu yahay dimuquraaddi, hubanti Nidaamkaaga dhaqaale wuxuu noqon doonaa hanti goosad (Capitalism). Lakiin hadii uu dalka hogaamiyo kaligii taliye ama koox yar (Autocracy ama oligarchy), Nidaamkaaga dhaqaale waxa uu noqon doonaa Ha...

Dimuquraadiyadda iyo dunida muslimka ah.

Waa maxay nidaamka Dimuquraadiyadda? Tiirarka Saldhiga u ah, iyo ma dhabbaa dimuquraadiyadda ay reer galbeedku la doonayaan dunida mislimka ah?. "Dimuquraadiya ma ahan hormarka la hiigsanayo, ee waddo la maro oo kaliya, markii laga eego dhanka cilmiga" Sidaa waxaa yiri madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdoğan.  Dimuquraadiya waa mid ka mid Nidaam xukun siyaasadeedka dunidaan ka jira, waana midka ugu badan ee doowladaha dunida ay isticmaalaan, kaligii-taliyaha, ha'aado Boqor ama Military waxa uu jecel yahay in nidaamkiisa loogu yeero Talowadaag. Macnaha dimuquraadiya waxa ay tahay in dadku ay doortaan hogaamiyahooda ama matalahooda. Dimuquraadiyada labo ayaa loo qeeybiyaa. Dimuquraadiyad toos ah: waa talowadaag ay dadku toos ugu codeeynayaan siyaasadaha doowlada, waxa ay go'aamiyaan ama saameyn ku yeeshaan natiijooyinka soo baxa. Sida Brexit referendum. Switzerland ayaa ah tusaalaha naadirka ah ee dabaqay talawadaaga tooska ah, muwaadiniinta wadankaas wax ay awood ...

Qaanuunka caalamiga ah doowlad muxuu u yaqaan? Xaqa ay leedahay iyo waajibaadka saaran

Image
Sida uu qabo, qodobka 1aad, ee xeerka xuquuqda iyo waajibaadka doowladnimo ee Montevideo. Qaanuunka caalamiga ah Doowlad waxa uu u yaqaan wixii laga helaa afar shardi oo kala ah. 1: "Dhul xuduudeed sugan" oo leh 2: "Dad dagan" oo sameeysatay 3: "Maamul" leh 4: "Madaxbanaani" arimaha gudaha iyo dibada, awoodna u leh inay xariir la yeelato doowlada kale. Doowladaha dunida ka jira, waa ay kala duwan yihiin nidaamyadooda siyaasadeed, Talawadaag ama kali-gii taliye, boqortooyo ama urur diimeed. Saas oo ay tahayne midkastaahi waxa uu leeyahay afartaa astaamood. Bayaanka xaqa iyo wajibaadka doowladnimo ee soo baxay, sanadkii 1949, laguna ansixiyay fadhigii ugu horeeyay ee golaha guud ee Qaramada midoobay. Waxa uu ka kooban yahay 14 qodob, afar kamida waxa lagu cadeeyay xaqa ay leedahay doowlad kasta, tobanka kalane waxa lagu sheegay waajibaadka saaran doowlad kasta. Qodobadaani waxa laga soo kala qaatay 《Qabya qoraalka Panamanian i...

Taarikh nololeedka:Xog-hayihii sadaxaad ee Qaramada Midoobay U Thant.

Image
Taarikh nololeedka:Xog-hayihii sadaxaad ee Qaramada Midoobay U Thant. U Thant waxaa uu ahaa Xoghayihii sadaxad ee soo mara ururka Qaramada Midoobay, intii u dhaxeeysay sanadihii 1961-1971,waxa uu ahaa diplomasi u dhashay wadanka Burma,waxa uu dhashay January 22-1909,waxa uu ku dhashay magaalada Pantanow ee wadanka Burma,Aabihii waxaa lagu magacabaa Po Hnit, Hoyadiina waxaa lagu magacaabaa Non Thaung, Aabihii waxa uu ahaa qof waxbartay, waxa uuna ka mid ahaa shaqsiyaadkii ku lugta lahaa aasaasidii Burma research society iyo wargeeyska ( The Sun ), U Thant waxa uu lahaa sadax walaal oo wiilal ah. U Thant waxa uu galay dugsigii sare ee doowlada oo ku yiilay magaaladii uu ku dhashay ee Pantanow, waxa uu aha Arday aqoon badan, Ardayda saaxibadii ah waxa ay ku naaniisijireen filasoofar, markii uu jiray 14 sanno waxaa geeriyooday aabihii, U Thant iyo qooyskiisa waxaa soo wajahay dhaqaala xumo aad u baahsan, asiga oo eegaya xaalada maalyadeed ee qooyskiisa, waxa uu ogaaday ineeyna u...

Nidaamka xisbiyada badan, ma mideeyaa misa waa kala geeye. Bulsho qabiilka qabyaaladeysan qaran mooday.

Nidaamka xisbiyada badan, ma mideeyaa misa waa kala geeye. Bulsho qabiilka qabyaaladeysan qaran mooday. ====================================== Sida uu qabo qodobka 1aad, ee Dastuur ku-meel gaarka ah, ee jamhuuriyada Federalka Somalia, dalku waxa uu ku dhisan yahay nidaamka xisbiyada badan. Taas oo macnaheedu tahay, in dalku uu yeelan karo labo xisbi wax ka badan, oo aanan xad la heyn. Bulsho aan cashar ka qaadan taktadoodii. :::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::: Sagaal sanno oo aan aheyn doowlad Talawadaag ah, ayaan dabaqnay nidaamka xisbiyada badan. Bulsho aan waqtigaasi dhameyn shan mliyan ayaa sameeysatay ku dhawaad 80 xisbi. Taas oo keentay in jilib kastaahi yeesho hal xisbi ugu yaraan. Soomaaliya kuma cusbo isticmaalka qabiilka qabyaaladeysan dhanka siyaasada iyo kicinta dadweynaha. Tusaale, tobankii sanno ee aan ku jirnay maamulkii wasaayada, xisbiga SYL waxa uu loolan adag kala kulmayay HDM 《Hisbiga digil iyo mirifle》, ka...

Taarikh nololeedka: Xoghayihii labaad ee Qaramada Midoobay Dag Hammarskjold.

Image
Taarikh nololeedka: Xoghayihii labaad ee Qaramada Midoobay Dag Hammarskjold. ====================================== ■ Dag Hjalmar Agne Carl Hammarskjold waa xoghayihii labaad ee soo mara ururka Qaramada Midoobay intii u dhaxeysay 10 April 1953 ilaa 18 September 1961, waxa uu dhashay 29 July 1905, waxa uu ku dhashay magaalada Jonkoping oo ku taalada dhanka bartamaha koonfureed ee dalka Sweden, waa dhaqaalayahan iyo diblomasi u dhashay wadanka Sweden, waa xoghayihii ugu da`da yaraa ee soo mara ururka qaramada midoobay, dad diisuna waxa ay aheed 47 sanno. ■ Aabihii waxa uu ahaa Reysawasaarihii dalka Sweden ee dagaalkii kowaad ee dunida intii u dhaxeeysay 17 February 1914 ilaa 30 March 1917, Dag waxaa la dhashay sadax wiil oo kala ah Bo, Ake, iyo Sten. ■ Markii uu jiray 18 sanno ayuu ka soo qalin jabiyay collage,waxa uuna iska soo qoray Jaamacada Uppsala universaty kulyadihii uu doortay waxaa ka mid ahaa French Literature, social philosophy, iyo political Economic. ■ l...

Macluumaad guud oo ku saabsan: Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Taarikh nololeedka Trygve Halvdan Lie.

Image
Macluumaad guud oo ku saabsan: Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Taarikh nololeedka Trygve Halvdan Lie . ===================================== ■ Hoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ( Secretary - General of the United Nations ) waa mid ka mid ah lixda unug ee Qaramada Midoobay, Hoghayaha guud ee  Qaramada Midoobay waa madaxa ugu sareeya ururka, waxaa la aasasay 1945, xaruntiisu waa magaalada New York ee wadanka Mareykanka, tan iyo markii la aasasay ururka Qaramada Midoobay waxaa soo maray 9 xoghaye oo u kala dhashay wadamo kala duwan. ■ Hoghayaha guud ee ururka waxaa laga soo dhaxdoortaa 193 wadan ee ka tirsan ururka qaramada midoobay, waxa lagu dhaxdoortaa Shirka Guud ee ururka Qaramada Midoobay ( General Assembly ) kadib markii uu latalin ka helo Golaha Amaanka ( Security Council ), hoghaye kaste waxa uu xilka heynayaa mudo 4 sanno ah, hal mar oo kale ayaa dib loo dooran karaa . ■ Wadamada shaqsi ka socda uu san noqon karin hoghayaha guud ee Qaramada Mid...

Waa maxay siyaasadda arimaha dibada, farqiga u dhaxeeya ayada iyo diblomaasiyadda, maxaa go'aamiya siyaasadda arimaha dibada nuuca ay noqoneyso.

Image
Waa maxay siyaasadda arimaha dibada, farqiga u dhaxeeya ayada iyo diblomaasiyadda, maxaa go'aamiya siyaasadda arimaha dibada nuuca ay noqoneyso. ===================================== Siyaasada arimaha dibada waa Istiraatijada ay doowladu u isticmaasho inay hakto ficiladeeda marka la joogo Masrixiyada caalamiga ah. ●Muhiimada ay leedahay siyaasada arimaha dibada, marka aynu eegno xeerka Montevideo convention on the rights and duties of States, Qodobkiisa 1aad, waxa uu qeexayaa astaamaha Doowladnimada, astaanta ugu danbeysaa waa madaxbanaani (Sovereignty), taas oo tilmaameysa inaad awood u leedahay, inaad xariir la yeelato wadamo kale, sidaa la ajligeed xariirkaasi waxaa ka shaqeeya diblomaasiyiinta. Diblomaasiyiintana waxa ay u baahan yihiin Hage (Guideline), si ay u gutaan xaqiijinta wajibaadka saraan, ayagoo ixtiraamaya xeerarka caalamiga ah iyo shuruudaha u dagsan wadanka ay martida u yihiin. Hagahaasi waa siyaasada arimaha dibada, taas oo lagu jaan gooyo danaha ...

Waa maxay diblomaasiyaddu, Farqiga u dhaxeeya Safaarad iyo Qunsuliyad, iyo Shaqada qofka diblomaasiga ah.

Image
Waa maxay diblomaasiyaddu, Farqiga u dhaxeeya Safaarad iyo Qunsuliyad, iyo Shaqada qofka diblomaasiga ah. Diblomaasiyadda waa maamulida xariirka caalamiga ah ayadoo loo marayo wadahadal, sida uu qabo Oxford English Dictionary, bilaawga dibloomasiyadda casriga ah, waxa ay soo bilaabatay sanadkii 1648, kadib heshiiskii Westphalia, kaas oo lagu soo afjaray dagaal socday muddo 30 sanno ah, una dhaxeeyay wadamadii reer Europe. Diblomasiyaddu waa xirfad la barto, waxaa loo bartaa sida fanaanku u barto muusigada. Diblomaasiyadda maanta jirtaa waxa ay noqotay qalabka lagu dhameeyo badi dhibaatooyinka waaweeyn ee ka jira dunidaan aan ku noolnahnay. Dal diblomaasiyaddiisa iyo siyaasadiisa waxa ay guuleysan kartaa, marka uu leeyahay, diblomasiyiin ku xeel dheer fanka diblomasiyadda, kartina u leh inay dhaadhici karaan maskaxda iyo maanka dadka kale, siyaasada iyo diblomaasiyadda dalkooda. Markii aan eegno xariirka diblomaasiyadda, sida uu qorayo qodobka labaad ee xeerka Veinna ee...

Macluumaad ku saabsan: Urur Gobaleedka IGAD

Image
Macluumaad ku saabsan: Urur Gobaleedka IGAD ●●●●●●●●●●●●●●●●●●●●●●●●●●●●●●●●●●● Urur gobaleedka IGAD, hay`ada xukuumiga ah ee hormarinta, igad waa urur gobaleed (Regional Organization) oo ay ku mideeysan yihiin, wadamada dhaca bariga afrika, Aasaasida igaad labo marxaladood ayeey soo martay, markii ugu horeeysay waxaa la asasay 1986,waxaana lagu magaacaabi jiray Intergovernmental Authority on drought and development, IGADD, fikrada urur gobaleedka igaad waxaa lahaa madaxweynihii hore ee Djibouti, (AUN) xassan guuleed abtidoon, magacbixinta marxaladii labaad ama magaca hada loo yaqaano waxa ay aheed 1996, kaas oo ahaa Intergovernmental Authority on development, IGAD, xarunta ururka waa magaalada jabuudi ee wadanka Djibouti. Luqada rasmiga ah ee ururka waa English, IGAD waxaa lagu aas'aasay heshiis ka kooban 24 qodob. sideed dal ayaa xubna ka ah igaad, sideedaas dal ee uu ka kooban yahay ururku, waxay kala yihiin afar dhacada geeska afrika oo kala Somalia, Ethiopia, Er...

Xogo ku saabsan: 15 garsoore ee Maxmakada Caalamiga ah Cadaalada ICJ. (Qeybta kowaad)

Image
Xogo ku saabsan: 15 garsoore ee Maxmakada Caalamiga ah Cadaalada ICJ. (Qeybta kowaad) ===================================== Qormadaan iyo labada qorma oo kale, waxaan ku eegi doonaa macluumaad ku saabsan 15 garsoore ee hada xubnaha ka ah maxkamada ICJ. 1) Abdulqawi Ahmed Yusuf Waa qaareyn Soomaliyeed ahna madaxweynaha maxkamada caalamiga ah ee cadaalada ICJ, waxa uu ku dhashay degmada Eyl ee gobalka Nugal, Sanadkii 1948. Waxa uu shahaadada heerka kowaad ka qaatay Jamacada umada Somaliyeed (Somali National University), waxa uuna ka bartay sharciga, waxa uu shahaadada heerka labaad Majisterka ku diyaariyay Qaanuunka Caalamiga (international law), waxa uuna ka qaatay University of Florence oo ku taalo dalka Talyaaniga,halka shahaada Phd uu ka qaatay machadka daraasadka caalamiga ah ee Geneva, waxa uuna ku diyaariyay isla qaanuunka caalamiga ah. Abdulqawi waxa uu ku hadlaa luqadaha kala ah Somali, Arabic, English, French iyo Italian. Abdulqawi waxa uu garsoorayaasha maxkamada...

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay (Security Council)

Image
Waa mid ka mid ah lixda unug ee Qaramadea Midoobay, waxaa la aasasay sanadkii 1946, xaruntiisu waa magaalada New york ee wadanka mareykanka, waxa uu masuul ka yahay ilaalinta Nabada Caalamiga ah sida uu qabo Axdiga Qaramada Midoobay. Waxa uu ka kooban yahay 15 xubnood,5 googta ah iyo 10 laga soo dhaxdoorto 193 wadan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay. Shanta wadan ee joogtada ah ee ka tirsan Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay waxay kala yihiin. 1: Russia 2: British  3: China 4: France 5: United State Of America (USA) Asalka xubanaha golaha Amanka waxa ay ahaayen 11 xubnood, shan joogta ah iyo lix aan joogta aheyn, 1963 Talooyin ay soo jeediyeen General Assembly iyo wax ka badal lagu sameyay Axdiga Qaramada midoobay ayaa lagu siyaadiyay xubnaha golaha amaanka waxaana la gaarsiiyay 15 xubnood, tobanka xubnood ee aan joogtada aheyn sanad kasta waxa la doortaa shan xubnood, xubinkastaa muda xileedkeedu waa labo sanno.  Tobankaas xubnood waxaa loo qeeybsa...