Macluumaad guud oo ku saabsan: Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Taarikh nololeedka Trygve Halvdan Lie.

Macluumaad guud oo ku saabsan: Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Taarikh nololeedka Trygve Halvdan Lie.
=====================================


■ Hoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ( Secretary - General of the United Nations ) waa mid ka mid ah lixda unug ee Qaramada Midoobay, Hoghayaha guud ee 
Qaramada Midoobay waa madaxa ugu sareeya ururka, waxaa la aasasay 1945, xaruntiisu waa magaalada New York ee wadanka Mareykanka, tan iyo markii la aasasay ururka Qaramada Midoobay waxaa soo maray 9 xoghaye oo u kala dhashay wadamo kala duwan.

■ Hoghayaha guud ee ururka waxaa laga soo dhaxdoortaa 193 wadan ee ka tirsan ururka qaramada midoobay, waxa lagu dhaxdoortaa Shirka Guud ee ururka Qaramada Midoobay ( General Assembly ) kadib markii uu latalin ka helo Golaha Amaanka ( Security Council ), hoghaye kaste waxa uu xilka heynayaa mudo 4 sanno ah, hal mar oo kale ayaa dib loo dooran karaa .

■ Wadamada shaqsi ka socda uu san noqon karin hoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, waa wadamada joogtada ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay Ama leh codka diidmada qayaxan (Veto power) waxay kala yihiin China , Russia, France, United Kingdom, iyo United State Of America.

Taarikh nololeedka xoghayihii guud ee ugu horeeyay Ee Qaramada Midoobay

■ Trygve Halvdan Lie waxa uu ahaa Xoghayihii ugu horeeyay ee soo mara ururka Qaramada Midoobay intii u dhaxeeysay 1946-1953, waxa uu ahaa siyaasi Norwegian ah, waxa uu dhashay 16- July - 1896, waxa uu ku dhashay magaalada Christiana oo hada loo yaqaano Oslo ahna caasimada wadanka Norway , 1914 waxa uu bilaabay barashadii Qaynuunka ee jamacadii Oslo.
■ Xirfadiisii siyasadeed waxa ay soo bilaabatay markii uu jiray 16 sanno, kadib markii uu ka qeeyb qaatay olalihii doorashada heer dagmo ee macalinkiisii kaasoo u tartamayay xisbiga shaqaalaha ee Norway (Norwegian Labor Party ), Sanad kadib 1913 waxa uu ka mid ahaa aasasayaashii ururka xisbiga dhalinyarada ( Party Youth Organization ) kaasoo si dhaqsi ah uga soo dhaxbaxay xisbiyadii kale, lie waxa uu aasasay Machad cilmi baaris kaas oo ku yiilay degmada Aker oo u dhaw magaalada Oslo.
■ Sanadkii 1919 waxa uu shahaada heerka labaad ka qaatay Qaynuunka, kadib markii uu dhameeystay waxbarasha waxa uu bilaabay inuu lashaqeeyo Xoghayaha xisbiga shaqaalaha qaab kaaliya ah.

■ Sanadkii 1921 asiga oo u shaqeeynaya qaab xoghaaye oo kale ah iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa u safray magaalada Moscow ee caasimda wadanka Russia, si ay u xoojiyaan xariirka udhaxeeya shuuciyadii caalamka iyo dhaqdhaqaaqii xisbigii shaqaalaha ee Norway.
■ Kadib sanadkii 1935 doorashadii Baarlamaanka xisbigii shaqaalaha, Dowladii lasoo dhisay Lie waxaa loo magacaabay Wasiirkii Cadaalada ( Minister of justice ).
■ Intii lagu gudajiray sanadkii 1939 Lie waxaa loo magacaabay Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha, Gadiidka, iyo Kaluumeysiga ( Minister of Trade, Industry, Shipping and Fishing).
■ Intii lagu gudajiray dagaalkii labaad ee dunida, markii ay Naasiyiintii Jarmalka qabsadeen Norway bishii April 1940, Lie waxa uu amar ku bixiyay in maraakiibta Ganacsiga laga fogeeyo dekadaha Norway si aysa u qabsan cadawga, kadibna waxaa sii badbaadiyay maraakiibtii isbaheysiga kuwaasoo ka soo horjeeday naasiyiintii jarmalka.
■ Intii lagu gudajiray bishii February sanadkii 1941 Lie waxaa loo magacaabay Wasiirkii Arimaha Dibada ee dowladii dibad jooga aheed ee Norway taas oo xarunteedu aheed magaalada London kadib markii ay jarmalka qabsadeen inta badan dhulkii Norway.
■ 1- February sanadkii 1946 Lie waxaa loo magacaabay Xoghayihii Guud ee Qaramada Midoobay, kaas oo xilka haayay ilaa laga soo gaaro 10-April 1953, dib ayaa loo doortay, waxa uuna dhameeystay xiligiisii labaad.
■ Lie waxa uu geeriyooday 30 December 1968, waxa uu ku geeriyooday magaalada Geilo ee dalkiisa hooyo ee Norway, isaga oo jira 72 sanno, waxa uuna ifka uga tagay saddax gabdhood ( 3 Gabdhood ).

Kudar wixii ka dhiman, kas sax wixii ka khaldan

Wabilaahi toowfiiq

Qore: Abdinasir Sulley

Comments

Popular posts from this blog

Maclumaad kooban: ururka iskaashiga Islamka (OIC)

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay (Security Council)

Kaligii-talisnimo hal xisbi ah iyo hormar dhaqaale.