Taarikh nololeedka:Xog-hayihii sadaxaad ee Qaramada Midoobay U Thant.
Taarikh nololeedka:Xog-hayihii sadaxaad ee Qaramada Midoobay U Thant.
U Thant waxaa uu ahaa Xoghayihii sadaxad ee soo mara ururka Qaramada Midoobay, intii u dhaxeeysay sanadihii 1961-1971,waxa uu ahaa diplomasi u dhashay wadanka Burma,waxa uu dhashay January 22-1909,waxa uu ku dhashay magaalada Pantanow ee wadanka Burma,Aabihii waxaa lagu magacabaa Po Hnit, Hoyadiina waxaa lagu magacaabaa Non Thaung, Aabihii waxa uu ahaa qof waxbartay, waxa uuna ka mid ahaa shaqsiyaadkii ku lugta lahaa aasaasidii Burma research society iyo wargeeyska ( The Sun ), U Thant waxa uu lahaa sadax walaal oo wiilal ah.
U Thant waxa uu galay dugsigii sare ee doowlada oo ku yiilay magaaladii uu ku dhashay ee Pantanow, waxa uu aha Arday aqoon badan, Ardayda saaxibadii ah waxa ay ku naaniisijireen filasoofar, markii uu jiray 14 sanno waxaa geeriyooday aabihii, U Thant iyo qooyskiisa waxaa soo wajahay dhaqaala xumo aad u baahsan, asiga oo eegaya xaalada maalyadeed ee qooyskiisa, waxa uu ogaaday ineeyna usuurta galeeynin inuu qaato koorso jamacaded oo afar sanno ah,sidaa daraadeed waxaa uu galay jamacada Rangoon si uu ubarto koorso macalinimo sanadkii 1926.
U Thant intii uu joogay jamacada waxa uu saaxiib la noqday U Nu kaas oo markii danbe Reysawasaare ka noqday wadanka Burma sadax jeer, labo sanno kadib markii uu dhameeystay koorsadii macalinimo waxa uu dib ugu laabtay dugsigii uu kasoo baxay ee Niational High School, U Thant waxa uu kasoo muuqday Imtixaankii macalimiinta ee wadanka Burma sanadkii 1931, markaas oo uu galay kaalinta kowaad, markii uu jiray 25 sanno waxa uu noqday madixii dugsiga,intii lagu guda jiray waqtigaas waxa uu kasoo muuqday muxaadarooyin iyo wargeeysyo.
sanadkii 1942 waxa loo magacaabay xoghayaha gudiga dib u-habeeynta waxbarashada, hal sanno kadib waxa uu dib ugu laabtay dugsigii sare ee qaranka waxa uuna maamule ka ahaa afar sanno,sannadkii 1947 waxa uu qeeyb ka noqday gudiga adeega doowlada, waxa uuna ku dhax yeeshay awood asigoo caawin kahelaya sixiibkiis U Nu, sanad kadib waxaaa loo magacaabay agaasimaha warfaafinta kadib xuriyadii wadanka Burma,sidoo kale waxa uu noqday xoghayaha wasaarada warfaafinta
Sannadkii 1951 Reysawasaarihii Burma U Nu oo ahaa saaxiibkiisii jaamacada waxa uu u magacabay xoghayihiisii, waxa uuna booskaa joogay muddo lix sanno ah, waxa uu ahaa qofka ugu dhaw Reysawasaaraha ahaana saxiibkiisii U Nu, asiga oo ka caawiyay in uu dajiyo siyaasadii wadanka, sidoo kale waxa uu ahaa qofka qudbooyinka u qora Reysawasaaraha, mudadaa U Thant waxa uu ka qeeyb galay shirar caalami ah.
Sanadkii 1957 waxaa loo magacaabay wakiilka joogtada ah ee wadanka Burma u fadhiya Qaramada midoobay waxa uuna joogay ilaa 1961, mudadaas waxa uu si firfircoon uga shaqeeyay wada xaajoodkii madaxbanaanidii wadanka Algeria, wax uu sidoo kale uu la shaqeeyay gudoomiyihii kumishinka qaramada midoobay ee congo
Sandkii 1959 waxaa loo doortay madaxweyne ku xigeenkii golaha guud ee Qaramada midoobay ( vice president of united nations General Assemply ), 3- November sanadkii 1961 waxa loo magacaabay xoghayaha guud ee Qaramada midoobay kadib geeridii xoghayihii guud ee qaramada midoobay Dag Hammarskjold. Markii uu dhameeystay waqtigii hore ee afarta sana ahaa, waxaa dib loo doortay 2-December sanadkii 1966.
31- December 1971 waxaa u dhamaaday waqtigii labaad ee uu xoghayaha ka ahaan lahaa Qaramada Midoobay, intii uu xilka hayay U Thant shaqooyinkii ugu muhiimsanaa ee uu qabtay waxaa ka mid ahaa, xalinta dhibaatadii ka oogneed wadanka Cuba sanadkii 1962, taas oo u dhaxeeysay wadamada kala ah Mareeykanka iyo midawgii suufiyeed, kuwaas oo uu ka dhaxeeyay dagaalkii qaboobaa ee dunida.
U Thant waxa uu dhalay sadax caruur ah labo wiil iyo hal gabar, waxa uu geeriyooday 25- November sanadkii 1974, waxa uu ku geeriyooday magaalada New York ee wadanka mareeykanka, waxa uuna u geeriyooday xanuunka kansarka kaas oo uga dhacay wadanaha.
Ku dar wixii ka dhiman, ka sax wixii la Khaldan.
Wabilaahi toowfiiq
W/Q Abdinasir Sulley

Comments
Post a Comment