Waa maxay siyaasadda arimaha dibada, farqiga u dhaxeeya ayada iyo diblomaasiyadda, maxaa go'aamiya siyaasadda arimaha dibada nuuca ay noqoneyso.

Waa maxay siyaasadda arimaha dibada, farqiga u dhaxeeya ayada iyo diblomaasiyadda, maxaa go'aamiya siyaasadda arimaha dibada nuuca ay noqoneyso.
=====================================



Siyaasada arimaha dibada waa Istiraatijada ay doowladu u isticmaasho inay hakto ficiladeeda marka la joogo Masrixiyada caalamiga ah.

●Muhiimada ay leedahay siyaasada arimaha dibada, marka aynu eegno xeerka Montevideo convention on the rights and duties of States, Qodobkiisa 1aad, waxa uu qeexayaa astaamaha Doowladnimada, astaanta ugu danbeysaa waa madaxbanaani (Sovereignty), taas oo tilmaameysa inaad awood u leedahay, inaad xariir la yeelato wadamo kale, sidaa la ajligeed xariirkaasi waxaa ka shaqeeya diblomaasiyiinta. Diblomaasiyiintana waxa ay u baahan yihiin Hage (Guideline), si ay u gutaan xaqiijinta wajibaadka saraan, ayagoo ixtiraamaya xeerarka caalamiga ah iyo shuruudaha u dagsan wadanka ay martida u yihiin. Hagahaasi waa siyaasada arimaha dibada, taas oo lagu jaan gooyo danaha qaranka (National Interest).

●Wadamada dunida waa ay isku tiirsan yihiin (No nation can live without other nation, any nation depend on other nation, either, Rich or poor, large or small). Si aad u ilaalisaa amniga muwaadiniinta ku nool dunida dacaladeeda, saameeyna ugu yeelataa go'aamada masiiriga ah dunida, waa inaad leedahay siyaasad arima dibadeed oo leh darajooyin kala duwan, kuwaas oo ku wajahan Dariska, Gobalka iyo guud ahaan dunida.

●Waa muhiim inay cadahay mabaadiida siyaasadaada arimaha dibada saldhiga u ah, si ay kalsooni ugu beerto cidkasta oo aad xiriir la yeelaneyso, qaasatan mabaadiida siyaasadaada arimaha dibada ee ku wajahan dariskaaga, marka aynu eegno mabaadiida saldiga u ah siyaasada arimaha dibada ee wadanka Pakistan, waxaa ka mid ah.
1) Nabad kuwada noolaasho (peaceful co-existance)
2) Cidna raacsaneen (Non-alignment)
3) midnimada Islamka Dunida (Unity of Islamic world)
4) xariir wanaagsan oo lala yeesho dariska ( good relations with nighbours)
5) iskaashi caalami ah iyo mid gobalka (International and regional cooperation).

●Marka aan eegno siyaasada arimaha dibada ee Somalia, tobankii sanno ee la soo dhaafay, document kaliya ee qoran ee aan "xog ogaalka u ahay" waa midkii la qoray, waqtigii xukumadii Madaxweyne Xasan Shiekh, inkastoo uu la'aan dhaamo hada looma diyaarin si wanaagsan "waxaana sabab u ah, waqtiga iyo daruufaha adag ee uu dalku ku jiro". Maanta waxa xog kama haayo, nuuca siyaasad arima dibadeed ee uu dalku ku shaqeeyo, in uu tii hore ku shaqeeyo ama mid cusub la sameeyay, waasa muhiim inaay cadahay mabaadiida saldhiga u ah Siyaasadaada arimaha dibada.

● Diblomaasiyadduna waa qalabka ama farsamada loo isticmaalo si loo fuliyo siyaasadaasi.

Maxaa go'aamiya nuuca ay noqoneyso siyaasadda arimaha dibada.

1) Istiraatiijitada dhuleed (Geopolitics), muhiimada dhulkaaga u leeyahay dunida kale, waxa ay saameeyn ku leedahay dajinta siyaasadaada arimaha dibada iyo nuuca ay noqoneyso. Tusaale, wadanka Djibouti asiga oo ka faa'iideysanaaya muhiimada dhuleed ee uu dhulkiisu ku leeyhay geopolitics caalamka, siyaasadiisa arimaha dibada, waxa ay kulmisay awoodo badan oo dunida siyaasad iyo dhaqaala ahaanba ku xifaaltama, inay saldhigyo ciidan (Army bases) ku lahaadaan gudaha wadanka Djibouti sida USA, France, Italy, Japan iyo China.

2) Baaxada dhulkaaga iyo tirada dadkaaga, waxa ay go'aamiyaan nuuca ay noqoneyso siyaasadaada arimaha dibada. Tusaale, wadanka Sudan markii lala barbardhigo jasiirada Seychelles, waa kaaf iyo kala dheeri siyaasadahooda arimaha dibada, Sudan wa ay ka dhul weyn tahay, weyna ka dad badan tahay Seychelles. Sudan waa mid ka mid ah awoodaha gobalka (Regional powers), inkastoo ay cunaqabateeyntu ay ragaadisay.

3) Danaha Qaran (National interest), waa factor ka ugu ee go'aamiya siyaasadada arimaha dibada, danaha qaran waxa ay ka imaanayaan soo aruurinta danaha muwaadiniintaada, markii aan eegno Somalia, waxaa arkeysaa, wadamo aanan waligeyn xariir la yeelan, ama aynan safaarad ka furan, sababtoo ah, kama aynan dhax arkin danaha qarankeeyna. Hadii ay dhacdaa wadamada nuucaas ah, in muwaadin Soomaliyeed lagu xiraa ama dan yari naga soo gashaa, anagoo wax xariir ah la laheyn, waxa aan u mareeynaa ururada aan kawada tirsanahay, ergooyinka u jooga Sida UN, AU ama OIC.

4) Qaab dhismeedka siyaasadeed (Political structure), waa mid ka mid ah go'aamiyaasha nuuca ay noqoneyso siyaasadda arimaha dibada, nuuca xukunka hadii uu yahay dimuquraadi, shacabka ay awood leeyihiin, xushmada xuquuqu aadanaha ay ka jirto, xuriyada saxaafada iyo kooxaha daaha gadaashiisa wax ka maamula (pressure groups or interest groups) ay ka jiraan, nuuca ay siyaasadaada arimaha dibada noqoneyso, waa ay ka duwan tahay, markii uu wadanka maamulayo kaligii-taliye ciidan ah ama Boqor ay go'aamadoo idil ay gacantooda ku jiraan, waa kaaf iyo kala dheeri labada nuuc ee siyaasad arima dibadeed.

Kudar wixii ka dhiman, ka sax wixii ka khaldan.

Wabilaahi toowfiiq

Qore: Abdinasir Sulley

Comments

Popular posts from this blog

Maclumaad kooban: ururka iskaashiga Islamka (OIC)

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay (Security Council)

Kaligii-talisnimo hal xisbi ah iyo hormar dhaqaale.