Taarikh nololeedka: Xoghayihii labaad ee Qaramada Midoobay Dag Hammarskjold.

Taarikh nololeedka: Xoghayihii labaad ee Qaramada Midoobay Dag Hammarskjold.
======================================

■ Dag Hjalmar Agne Carl Hammarskjold waa xoghayihii labaad ee soo mara ururka Qaramada Midoobay intii u dhaxeysay 10 April 1953 ilaa 18 September 1961, waxa uu dhashay 29 July 1905, waxa uu ku dhashay magaalada Jonkoping oo ku taalada dhanka bartamaha koonfureed ee dalka Sweden, waa dhaqaalayahan iyo diblomasi u dhashay wadanka Sweden, waa xoghayihii ugu da`da yaraa ee soo mara ururka qaramada midoobay, dad diisuna waxa ay aheed 47 sanno.

■ Aabihii waxa uu ahaa Reysawasaarihii dalka Sweden ee dagaalkii kowaad ee dunida intii u dhaxeeysay 17 February 1914 ilaa 30 March 1917, Dag waxaa la dhashay sadax wiil oo kala ah Bo, Ake, iyo Sten.

■ Markii uu jiray 18 sanno ayuu ka soo qalin jabiyay collage,waxa uuna iska soo qoray Jaamacada Uppsala universaty kulyadihii uu doortay waxaa ka mid ahaa French Literature, social philosophy, iyo political Economic.

■ labo sanno kadib Hammarskjold waxa uu qaatay Bachelor of Arts, sanadkii sadaxaadna waxa uu dhaqaalaha ka bartay isla Jamacadii Uppsala University, markale ayuu qaatay shahaadada falsafada asiga oo jira 23 sanno,labo sanno kadib 1930 waxa uu qaatay shahaadada Qaaynuunka ( Bachelor of Law ).

■ Hammarskjold waxa uu uguuray magaalada Stockholm, halkaa oo uu ka noqday Xoghayaha gudiga Arimaha shaqaaleysiinta intii u dhaxeeysay 1930 ilaa 1934, intii lagu guda jiray sanadkii 1933 waxa uu qaatay shahaadada PHD waxa uuna ka qaatay Jamacada Stockholm ( Universaty of Stockholm), halkaas oo uu ka noqday Assistant professor of Political Economic.

■ Markii uu jiray 31, kahor hal sanno oo uu u adeegaay Hoghayaha Bangiga qaranka Sweden waxaa loo magacaabay xaghayaha joogtada ah ee wasaarada maalyada, waxa kaloo oo u adeegayay gudoomiyaha bangig qadanka intii u dhaxeeysay sanadihii 1941-1948, waxa uu ka mid ahaa lixda xubnood boodka Bangiga Qaranka oo ay soo wada magacaabeen Baarlamaanka iyo Xukuumada, waxa uu noqday shaqsigii ugu horeeyay ee uwada shaqeeya boodka Bangiga Qaranka iyo Wasaaarada Maalyada.

■ Horaantii 1945 waxaa loo magacaabay lataliyaha dhanka dhaqaalaha iyo ganacsiga ee golaha wasiirada, Hammarskjold waxa uu door muhiim ah ka ciyaaray qaabeynta siyaasada dhaqaale ee wadanka Sweden.

■ Sanadkii 1947 waxaa loo magacaabay ku xigeynka xoghaye ee wasaarada Arimaha Dibada, halkaas oo uu masuul uga ahaa dhamaan su`aalaha laxiriira dhanka dhaqaalaha, sanadkii 1949 waxaa loo magacaabay xoghaya guud ee Wasaarada Arimaha Dibada.

■ Hammarskjold waxaa loo magacaabay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay 10- April 1953, markale ayaa loo magacaabay Xoghayaha Guud bishii September 1957, hammarskjold waxa uu geeriyooday 18-September 1961, waxa uu ku geeriyooday hawada dalka Zambia, kadib markii ay shilgashay diyaaradii uu la socday oo ku sii jeeday dalka Congo, si oo u soo dhameystiro xabadjooyintii laga gaaray rabshadihii sanadaha ka socday dalka Congo.

■ Kadib geeridii Hammarskjold wadamadii reer galbeedka ayaa amaan kala dul dhacay hammarskjold, waxa ay siiyeen abaalmarinta Nobal Price, laakin wadamadii Afrika ee xurta ahaa iyo kuwii aan xurta aheynba dabaal dagyo ayaa isqabsaday kadib geeridii hammarskjold, kaas oo ay u arkayeeyn in uu ahaa shaqsiga hortaagan xuriyada wadamo badan oo ku yaala Qaarada Afrika.

Wixii ka dhiman ku dar, wixii ka khaldan ka sax.

Wibilaahi toowfiiq

Qore: Abdinasir Sulley

Comments

Popular posts from this blog

Maclumaad kooban: ururka iskaashiga Islamka (OIC)

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay (Security Council)

Kaligii-talisnimo hal xisbi ah iyo hormar dhaqaale.