Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay (Security Council)





Waa mid ka mid ah lixda unug ee Qaramadea Midoobay, waxaa la aasasay sanadkii 1946, xaruntiisu waa magaalada New york ee wadanka mareykanka, waxa uu masuul ka yahay ilaalinta Nabada Caalamiga ah sida uu qabo Axdiga Qaramada Midoobay.
Waxa uu ka kooban yahay 15 xubnood,5 googta ah iyo 10 laga soo dhaxdoorto 193 wadan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.
Shanta wadan ee joogtada ah ee ka tirsan Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay waxay kala yihiin.
1: Russia
2: British 
3: China
4: France
5: United State Of America (USA)

Asalka xubanaha golaha Amanka waxa ay ahaayen 11 xubnood, shan joogta ah iyo lix aan joogta aheyn, 1963 Talooyin ay soo jeediyeen General Assembly iyo wax ka badal lagu sameyay Axdiga Qaramada midoobay ayaa lagu siyaadiyay xubnaha golaha amaanka waxaana la gaarsiiyay 15 xubnood, tobanka xubnood ee aan joogtada aheyn sanad kasta waxa la doortaa shan xubnood, xubinkastaa muda xileedkeedu waa labo sanno. 
Tobankaas xubnood waxaa loo qeeybsadaa sidan.
5 xubnood waxa ay ka imaadan Africa iyo Asia.
1 xubin waxa ay ka imaadaa bariga Europe
2 xubin waxa ay ka imaadaan Latin America
2 xubin waxa ay ka imaadaa galbeedka Europe iyo doowlada kale.

Tobanka doowladood ee hada xubnaha ka ah golaha amaanka ee qaramada midoobay waxa ay kala yihiin
Sadax Afrikan ah (Niger, Tunisia iyo South Africa), labo waa galbeedka Europe (Germany iyo Belgium), labane waa Asia (Indonesia iyo veit Nam), labo kalene waa Latin America (Dominican Republic iyo saint vincent and the grenadines) iyo hal wadan oo ka socdo bariga Eupope (Estonia)

Wax ka badan 50 doowladood oo xubin ka ah Qaramada midoobay ayaana weli ka mid noqon golaha amaanta(Security council), hadii xubin ka mida golaha amanta loo tixgaliyaa inay qeyb ka tahay muranada ama khilafadka jira, taas oo golaha amanka ka doodayaan, xubintaasi ha ahaato permanent ama non-permenent, fadhigaasi wax cod ah kuma laha, kursiga waxa ay u fadhineysaa sida ayada oo aan xubin ka aheyn golaha (non-member State). 
Golaha Amaanka aad ayuu u diyaarsan yahay si uu shaqadiisa u qabto si joogta ah, xubin waliba oo ka tirsan Golaha Amaanka waxaa waajib ku ah in wakiil kasto oo kasocda uu xadir ku ahaadaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York waqti waliba.
Mararka qaar waxaa lagu kulmaa meel ka baxsan New York, sida 1972 oo lagu qabtay Magaalada Addis Ababa ee caasimada wadanka Ethiopia, 1973 waxaa lagu qabtay magaalada Panama City ee caasimada wadanka Panama, 1990 waxaa lagu qabtay magaalada Geneva ee wadanka Switzerland.
Marka ay jiraan cabashooyin khatar ku ah nabada caalamiga, talaabada ugu horeeysa ee Golaha Amaanka waxa ay noqoneysaa inay talooyin siiyaan dhinacyada khatartu ku gadaamantahay si ay udajiyaan nabad dhameystiran.
Marka ay jiraan khilaaf horseedi kara colaad, Golaha Amaanka talaabada ugu horeeysa ee ay qadayaan waa inay keenaan habka ugu macquulsan ee lagu xalin karo khilaaf kaas.

Hadii uu jiro dagaal, Golaha Amaanka waxa ay adeegsanayaan Xabad joojin, Xabadjoojintuna waa qalabka ka hortaga colaada ineysii dabadheeraato ama hadii ay jiraan xalado bini aadanimo, Golaha Amaanka waxaa waajib ku ah iney sameeyaan xabad joojin si dadka ku dhaxgodoonsan dagaalada loo garsiiyo wax yaabaha daruuriga ah sida cunada, biyaha, daawooyinka, dharka, iyo teendhooyinka guryaha laga dhiso ama loo sameeyo daad gureeyn hadey noqoto lagama maarmaan.
Golaha waxa uu diri karaa kormeerayaal ciidan ama ciidan nabad ilaalin ah si loo yareeyo xiisada xoogaga iska soo horjeeda.
Golaha waxa uu go"aamin karaa hirgalinta talaabooyinka lagu ciqaabayo xoogaga iska soo horjeeda sida xayiraad laga saaro dhaqaalaha, maalyada, hubka, iyo safarada.


Hadii aan soo qaato mid ka mid ah go`aan nadii ugu halista badnaa ee ay qaateyn Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay kaas oo ku saabsanaa galintaankii Iraq ay gashay Kuwait 29-November-1990, waxa ay Golaha Amaanka soo sareyn go`aan nambarkiisu ahaa 678 kaas oo Iraq lagu amray inay 45 maalmood uga baxdo Kuwait hadey ka bixiweysana xooga looga saaro, 15 doowladood ee xubnaha ka ahaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cod loo qaaday 13 doowladood waxa ay isku raaceyn in Iraq xoog looga saaro Kuwait, halka Yemen ay diiday, China weey ka aamustay.
Waxaa dagalkaas ka qeyb qaatay ku dhawaad 39 doowladood, 28 ka mid ah ciidamadooda ayaa si toos uga qeyb qaatay, waa dagaalkii ay dunida Sadaam xuseen ugu qirtay inuu yahay quwadii ugu awooda badneed ee bariga dhexe, waxaa ciidamadii isbaheysiga ee uu hogaaminayay Mareykanka xarun u aheed wadanka boqortooyada Saudi Arabia.

Shaqooyinka iyo Awoodaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.
1: Inay ilaaliyaan nabadgalyada caalamiga ah iyo Amniga siwaafaqsan mabaadiida iyo ujeedoonyinka Qaramada Midoobay.
2: Inay sameeyaan qorshayaal lagu dhisayo nidaam lagu xakameeyo hubka.
3: Inay u furaan wada hadal dhinacyada muranka ka dhaxeeyo, si loo dajiyo nabad dhameystiran.
4: Inay baaraan wax kasta oo khilaaf ah ama xalad kasta oo horseedi karta jahawareer caalami ah iyo inay ku taliyaan hababka lagu xaliyo khilaafadka nuucaas ah ama shuruudaha dajinta.
5: Inay go`aamiyaan jiritaan khatar halis ku ah Nabada, ama ficil gardara ah iyo in lagu taliyo talaabo in la qaado.
6: Inay u yeeraan dhinacyada ay quseeyso inay u hogaansaamaan talaabooyinka ku meelgaarka ah madaama loo arko daruuri, ama lajecel yahay in laga hortago in xaaladu sii xumaato.
7: Inay ugu baaqaan xubnaha Qaramada Midoobay in ay qaataan talaabooyin aan ku lugta laheyn isticmaalka ciidan hubeeysan sida cunaqabateynta si uu saameyn ugu yeesho go`aanka Golaha Amaanka.
8: Si ay u xaliyaan ama u ogolaadaan isticmaal ciidan si loo ilaaliyo ama dib loogu soo celiyo nabad galyada caalamiga ah iyo Amniga.
9: Inay kala taliyaan Golaha guud ee Qaramada midoobay soo magacaabida Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo in si wadajir ah Golahu usoo wado doortaan Garsooraha Maxkamada Caalamiga ah.
10:Inay ka codsadaan Maxkamada Caalamiga ah inay bixiso fikrado iyo latalin su`aal kasto oo Xeerka ka mid ah.
11: Inay kala taliyaan Golaha guud ee Qaramada Midoobay, aqbalida xubnaha cusub ee kusoo biiraya ururka.

Ku dar wixii ka dhiman, ka sax wixii ka qaldan.

Wabilahi Toowfiiq

Qore: Abdinasir Sulley

Comments

Popular posts from this blog

Maclumaad kooban: ururka iskaashiga Islamka (OIC)

Kaligii-talisnimo hal xisbi ah iyo hormar dhaqaale.