Posts

Maclumaad kooban: ururka iskaashiga Islamka (OIC)

Image
Ururka Iskaashiga Islaamka (Organization of Islamic Cooperation-OIC), waa urur doowli ah, waxaa la aas`aasay sanadkii 1969, magaalada Rabat ee caasimada wadanka Morocco ayaana lagu aas`aasay, kadib markii ay ciidamada Yahuudu ay weerareyn masjidka barakeysan ee Qudus.  waa ururka labaad ee ugu xubnaha badan dunida marka laga soo tago Qaramada Midoobay. OIC waxaa xubna ka ah 57 doowladood oo dadkooda (Akhlabiyada) ay muslimiin yihiin marka laga reeba 10 doowladood. OIC waxaa aas`aasay 32 doowladood, 25 kalane dib ayeey uga soo biireeyn, taas oo ka dhigeeysa wadarta guud 57 doowladood. Ujeedooyinkii loo sameeeyay Ururka  Sida uu qabo cutubka kowaad, qodobkiisa 1aad, ee Axdiga lagu aas`aasay OIC, ujeedooyina loo sameeeyay ururka waxaa ugu muhiimsan dhoowr ujeedo. 1: In saro loo qaado, lana xoojiyo isku xirnaanta walaaltinmada iyo midnimada ka dhaxeysa doowladaha xubnaha ka ah. 2: In la taageero, lana awoodsiiyo shacabka falastiiniyiinta si ay u hantaan xaqooda aayakatashiga iyo i...

Thomas Sankara: Halyeygii iska diiday kaalmada shisheeye

Image
”Haddii aynu akhbalnaa inaan u noolaano habka Afrikanku u noolyahay, waa habka kaliya ee aynu ugu noolankarno xuriyad iyo sharaf". Thomas Sankara . Waxa uu dhashay sanadkii 1949, waxa uu ku dhasahy magaalada Yokko, oo 75 KM dhanka galbeed uga beegan caasimada Burkina Faso ee Ouagadougou, waxa uu ahaa cunuga saddaxaad, caruur ka kooban toban oo ay walaalo yihiin, walidkii waxa ay doonayeyn in uu barto kana shaqeeyo xafladaha diinta Christian (priest). balse sidii ay jeclaayeyn jiilkisii waxa uu ku biiray ciidamada sanadkii 1970, markii uu gaaray da`aada 20 sanno waxaa loo diray wadanka Madagascar asigoo ah sargaal tababar, intii uu halkaasi joogay waxa uu marag madoonto u ahaa kacdoon ay sameeynayen arday iyo beeraleeyda wadooyinka Antananarivo. sargaalkii dhalinyarda ahaa dalkiisa ayuu dib ugu soo laabtay asigoo ayku jirto ruux kacaan (revolutionary spirit). Sanadkii 1974, Sankara waxaa loogu yeeray in uu yahay geesi, kagadaal markii qibradiisa iyo qorshihii uu dajiyayba ay door m...

Wax maanta fari gaarto oo birrito aan faras gaarin baa jira.

Image
Dalku waxa uu ku jiraa xaalad cakirnaan oo dhanka siyaasada ah taas saameyn ku yeelan doonto dhamaan jaanibyada nolosha, haddi aan la helin caqli caafimaad qaba kaas dalka ka badbaadiya in uu galo daganaasho la'aan sababi karta in uu baabi'iyo dhamaan dadaaladii dib loogu yagleelaay doowlad dhisida Soomaalia 20kii sanno ee ugu dambeeysay. Muddo xileedka golaha shacabka waxa uu ku ekaa 27-December ee sanadkii tagay, kan madaxweynaha waxa uu ku'eg yahay 8-Febraury, waxaana ka harsan 17 maalin, Mana muuqato ififaalo muujinaya Shaqo socoto oo ralli laga wadayahay. Daneeyaasha doorasha markii laga soo tago Shacabka, waxa ay u qeeybsan yihiin afar dhinac sidda muuqata hadda, Doowlada Federalka iyo maamul gobaleedyada Koonfur galbeed, hirshabeele iyo Galmudug oo dhinac ah, butland iyo Jubaland oo dhinac ah, musharaxiinta mucaaradka ah oo dhinac ah (inkastoo doodoodu ay lamid tahay butland iyo jubaland) iyo beesha caalamka oo ah cidda bixineysa inta badan miisaaniyada ku baxeysa d...

Safarkeygii 《Muqdisho ilaa mareeg》Qeybta 1aad.

Image
Mareeg waa degaan qadiimi ah oo saaran badweynta hindiya, waxa uu ku yaalaa bariga degmada Ceel dheer ee gobalka Galgaduud, waxii ka horeeyay xuriyadii, Mareeg waxaa loo aqoon jiray inta u dhaxeeysa Bud Bud, Masagawaay ilaa Degmada Xaradheere ee gobalka mudug. deegaan weynaha Mareeg waxa uu taarikh facweyn ku leeyahay guud ahaan gayiga Somaalidu degto, waayo waxaa ku dhashay labo kamida 13 SYL, kuwaas horseed u haa in Somaalidu iska qaado heeryada gumeysiga. waxayna kala ahaayeen Gudoomiye ku-xigeenkii ururka Maxamed Xirsi Nuur (Sidii) iyo Maxamed farax hiloowle. Mareeg waxa ay aheed marsadii sadaxaad ee Gumeeystihii Talyaniga. waxa uu ahaa safar degaan barasho, oo aan u uga talaabay soohdinta sadax gobal si aan u gaaro magaaladii aan ku dhashay ee Masagawaay, si aan farxadda ciidda ula soo qaato hooyo, ilmaha  iyo qaraabada. waxaa tagitaanka magaaladeyda iigu dambeysay shan sanno ka hor, ( 10 sanno oo aan waxbarasho u joogo Muqdisho). Talado 28 july, goor subax ah sacaduna ay taha...

Mushkilad saameeyn ku leh mustaqbalka iyo hab fikirka dhalinyarada, bulshaduna ayna ku baraarugsaneyn.

Image
waa maxay Qammaar? "Qammarku waa loolan kasta oo dhaqaalo lagu kala disho, oo aan ka aheyn loolanka fardaha iyo kan gentaasha (shiishka) lagu barto, sababtoo ah sharciga ayaa baneeyay nuucaas". kulan sport waa application ay leeyihiin dhallinyaro Soomaliyeed sida ka muuqada Astaanta iyo muuqaalada sharxaya qaabka loo isticmaalo Application kaan, waxa uu u shaqeeyaa hab online, waxa uuna ku shaqeeyaa qamaarka sida shirkada waaweyn qamaarka ee kala ah, draftking, 888 sport, betfair, fanduel iyo bet365. waxa aad dhiganeeysaa lacag, waxaadna saadaalineysaa cayaaraha dhacaya maalintaas ugu yaraan labo kulan, lacagta ugu yar ee aad dhigan kartaa waa (0.5 dollar), hadii ay saadaalinmtaadu guuleeysato waxaa heli doontaa lacag dheeri, lakiin hadii ay saadaashadu guuldareysato waxa aad weyn doontaa lacagtii aad dhigatay. diinta Islam ka waxa ay xarimtay Qamaarka, sida ku xusan aayadaha 90 iyo 91 ee suuratu Al-ma`ida, aayada 90aad waxa uu Allaah subxaanahu watacalaa noogu sheegayaa afar...

Kaligii-talisnimo hal xisbi ah iyo hormar dhaqaale.

Image
Hal gobal ayaa ah tusaalaha ugu wanaagsan ee xaqiijiyay hormar dhaqaale iyo mid bulsho taas oo saldhig looga dhigay Tiknoolajiyada casriga ah, halkaas oo ayna kajirin mabaadiida dimuquraaddiyada hada ama soyaalka. Gobalka sida dhameeystiran tusaalaha ugu noqon kara waa bariga iyo qeeyb ahaan koonfur bari Asia, waxaynu dul istaagi doonaa qaar kamida wadamada ku yaala bariga iyo koonfur bari Asia, si aan usoo helno ama daaha uga qaadno xaqiiqooyinka ku dahsoon hormarka dhaqaale oo ay xaqiijiyeeyn 40 tan kii Sanno ee lasoo dhaafay, sidoo kale waxaynu daaha ka qaadi doonaa nidaamyadii siyaasadeed ee xaqiijiyay hormarkaas dhaqaale. Ma run baa oraahda oraneysa "Nidaamkaaga siyaasadeed waxa uu go'aamiyaa Nidaamkaaga dhaqaale" hadii Nidaamka siyaasadeed uu yahay dimuquraaddi, hubanti Nidaamkaaga dhaqaale wuxuu noqon doonaa hanti goosad (Capitalism). Lakiin hadii uu dalka hogaamiyo kaligii taliye ama koox yar (Autocracy ama oligarchy), Nidaamkaaga dhaqaale waxa uu noqon doonaa Ha...

Dimuquraadiyadda iyo dunida muslimka ah.

Waa maxay nidaamka Dimuquraadiyadda? Tiirarka Saldhiga u ah, iyo ma dhabbaa dimuquraadiyadda ay reer galbeedku la doonayaan dunida mislimka ah?. "Dimuquraadiya ma ahan hormarka la hiigsanayo, ee waddo la maro oo kaliya, markii laga eego dhanka cilmiga" Sidaa waxaa yiri madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdoğan.  Dimuquraadiya waa mid ka mid Nidaam xukun siyaasadeedka dunidaan ka jira, waana midka ugu badan ee doowladaha dunida ay isticmaalaan, kaligii-taliyaha, ha'aado Boqor ama Military waxa uu jecel yahay in nidaamkiisa loogu yeero Talowadaag. Macnaha dimuquraadiya waxa ay tahay in dadku ay doortaan hogaamiyahooda ama matalahooda. Dimuquraadiyada labo ayaa loo qeeybiyaa. Dimuquraadiyad toos ah: waa talowadaag ay dadku toos ugu codeeynayaan siyaasadaha doowlada, waxa ay go'aamiyaan ama saameyn ku yeeshaan natiijooyinka soo baxa. Sida Brexit referendum. Switzerland ayaa ah tusaalaha naadirka ah ee dabaqay talawadaaga tooska ah, muwaadiniinta wadankaas wax ay awood ...