Mushkilad saameeyn ku leh mustaqbalka iyo hab fikirka dhalinyarada, bulshaduna ayna ku baraarugsaneyn.
waa maxay Qammaar?
"Qammarku waa loolan kasta oo dhaqaalo lagu kala disho, oo aan ka aheyn loolanka fardaha iyo kan gentaasha (shiishka) lagu barto, sababtoo ah sharciga ayaa baneeyay nuucaas".
kulan sport waa application ay leeyihiin dhallinyaro Soomaliyeed sida ka muuqada Astaanta iyo muuqaalada sharxaya qaabka loo isticmaalo Application kaan, waxa uu u shaqeeyaa hab online, waxa uuna ku shaqeeyaa qamaarka sida shirkada waaweyn qamaarka ee kala ah, draftking, 888 sport, betfair, fanduel iyo bet365. waxa aad dhiganeeysaa lacag, waxaadna saadaalineysaa cayaaraha dhacaya maalintaas ugu yaraan labo kulan, lacagta ugu yar ee aad dhigan kartaa waa (0.5 dollar), hadii ay saadaalinmtaadu guuleeysato waxaa heli doontaa lacag dheeri, lakiin hadii ay saadaashadu guuldareysato waxa aad weyn doontaa lacagtii aad dhigatay.
diinta Islam ka waxa ay xarimtay Qamaarka, sida ku xusan aayadaha 90 iyo 91 ee suuratu Al-ma`ida, aayada 90aad waxa uu Allaah subxaanahu watacalaa noogu sheegayaa afar wax yaabood oo khatar ku ah badqabka bulshadeyna, isla ,markaana uu noogu amrayaa in aan ka fogaano, ka gadaal markii uu noogu yeeryay tilmaan qurxoon (waa iimankee), waxa uu naleeyahay "Khamrada, Qamaarka, Sanamyada iyo Faalka (Falaanfulka), waa qurun iyo najaas ee ka fogaada". aayada 91aad isla suuratu Al-Ma`ida waxa uu Allah subxanahu watacalaa uu ku leeyahay "sheydaanku waxa uu doonayaa kaliya in dhaxdiina uu ku rido ama uu dhigo cadaawad iyo isnaceyb sababta Khamriga iyo Qamaarka dartii, isla markaana uu idinka jeediyo xuska Alle gaar ahaan Salaada, idinkuna ma tihiin ku joogsanaayo".
Sportpesa waa shirkad ka shaqeeysa qamaarka, kana hoolgasha wadamada Tanzania, South Africa, Italy, Ireland iyo Uk, sidoo kale waxa ay ka shaqeeyn jirtay wadanka Kenya wixii ka horeeyay 28 September, 2019. doowlada Kenya ayaa ka qaaday shatigii ay ku shaqeeyneysay, ayada oo loo sababeeynayo, in ay soo bateyn dadka naftooda gooynaya, ka gadaal markii ay ku qasaareen qamaarkii ay galeyn.
dhalinyaradu waxa ay waqtigooda inta ugu badan ku bixiyaan isticmalka Application kaan, markii aad rabto inaad saadaaliso labada koox oo ciyaareyso mida badaneyso, waxa qasab kugu ah inaad soo daraaseyso labadaas koox adiga oo kafiirinaya, kaalmaha ay uga jiran horyaaladooda, kulamadii ay iska hor imaadeyn, qaabkii uu ahaa kulamadii ay soo ciyaareyn xili ciyaareedkaan midkasta oo kamida labadaas koox, cayaartooyda garoonka usoo gali karta, dhawacyada jira, iyo IWM.
Waxa aad arkeysaa 10 ilaa 14 jir ay taleefankiisu ay ku jirto lacag dhan $50, waalidkiini uunan ka warqabin, ilmahaasi waxa ay unugul yihiin iney balwad bartaan sida, maan dooriya, sagaarka iyo taabuuga, waayo garaadkoodu ma celsho, jeebkoodana lacag ayaa ugu jirto. Dhalinyada caqabad weyn ayeey ku tahay waayo waxa ay hilmaamsiisneysaa mustaqbalkooda, waxa ay moodaan hadii jeebkooda uu shilimaad yar kalo in uunan mutaqbal kale jirin taas oo keyneysa in la arko dhalinuaro badan oo dirbi jiif isku badala, kagadaal markii ay isku dhacaan walidiintii.
waxaan xog ugaal u ahay, in dhalinyarada inta ugu badan ay isticmaasho qamaarkaan, anagoo sagaal dhaalinyaro ah ayaan subax isku nimid meel qaxwada laga cabo oo xaafada ku taala, labo ma ahane, todobada kale waxa ay isticmaalaan Application ka kulan sport, sidoo kale waxaan arkay labo arday oo waqtigooda inta ugu badan galiyay barnaamijkaan, kuwaas oo galaya imtixaanka doowlada ee sanadkaan, halkii ay daraaseyn lahaayeyn casharadooda.
Talo
waxaan rabaa inaan ugu baaqo culumada diinta iyo aqoonyahanka inay noqdaan kuwa baraarugsan kana warqaba waxyahaba ka socda bulshada dhaxdeeda, kuwaas oo u baahan in laga suubiyo wacyi galin (ficilada qaar yareeysi malaha), sidoo kale waalidiinta waxaan ugu baaqayaa inay ka warqabaan caruurtooda, lana sheekeystaan, saxiibna la noqdaan, si ay u ogaadaan waxyabaha ku soo kordhay ilmahooda. dhanka doowlada, dalku ma ahan weelka qashinka lagu shubo, waxaa jiro waxyaabo (ficilo) ka hor imaanaya diinta iyo dhaqanka bulshadaan, fadlan waa in la helaa faaf reeb.
Ku dar wixii ka dhiman, ka sax wixii ka qaldan.
Wabilaahi toowfiiq
W/Q: Abdinasir Sulley

Mahadsanid saaxiib. Waxa nala wadaagtay fariin loo baahnaa in bulshada laga wacyigaliyo.
ReplyDelete