Kaligii-talisnimo hal xisbi ah iyo hormar dhaqaale.
Hal gobal ayaa ah tusaalaha ugu wanaagsan ee xaqiijiyay hormar dhaqaale iyo mid bulsho taas oo saldhig looga dhigay Tiknoolajiyada casriga ah, halkaas oo ayna kajirin mabaadiida dimuquraaddiyada hada ama soyaalka.
Gobalka sida dhameeystiran tusaalaha ugu noqon kara waa bariga iyo qeeyb ahaan koonfur bari Asia, waxaynu dul istaagi doonaa qaar kamida wadamada ku yaala bariga iyo koonfur bari Asia, si aan usoo helno ama daaha uga qaadno xaqiiqooyinka ku dahsoon hormarka dhaqaale oo ay xaqiijiyeeyn 40 tan kii Sanno ee lasoo dhaafay, sidoo kale waxaynu daaha ka qaadi doonaa nidaamyadii siyaasadeed ee xaqiijiyay hormarkaas dhaqaale.
Ma run baa oraahda oraneysa "Nidaamkaaga siyaasadeed waxa uu go'aamiyaa Nidaamkaaga dhaqaale" hadii Nidaamka siyaasadeed uu yahay dimuquraaddi, hubanti Nidaamkaaga dhaqaale wuxuu noqon doonaa hanti goosad (Capitalism). Lakiin hadii uu dalka hogaamiyo kaligii taliye ama koox yar (Autocracy ama oligarchy), Nidaamkaaga dhaqaale waxa uu noqon doonaa Hanti wadaag (Socialism). Sharaxaada kooban ee qeeybtaani xaqiiqadeeda waxaad ku ogaandoontaa dhamaadka qormadaani.
China
Waa wadanka labaad ee ugu dhaqaalaha badan iyo kan kowaad ee ugu dadka badan dunida waxa uu ku yaalaa bariga Asia, Nidaamka siyaasadeed dalka waa shuuci (Communist), waxa uu isticmaalaa Nidaamka halka Xisbi (Single party system), halka xisbi ee dalka laga ogalyahay waa Xisbiga Shuuciga ee China (Communist party of China).
71 sanno oo uu wadanka China isticmaalayo mabda'a shuuciyada waxa soo maray todobo madaxweyne oo kala ah.
1) Mao Zedong 1949-1976
2) Hua Guofeng 1976-1981
3) Hu Yaobang 1981-1987
4) Zhao Ziyang 1987-1989
5) Jiang Zemin 1989-2002
6) Hu Jintao 2002-2012
7) Xi Jinping 2012 ilaa hada
Dhanka dhaqaalaha, wixii ka danbeeyay 1979, China waxa ay sameeysay isbadal dhaqaale oo aad u weeyn taas oo u horseeday halka ay maanta taagantahay, waxa ay isticmaashay isku milanka labada Nidaam dhaqaale ee kala ah, Hanti wadaag iyo Hanti goosad.
Heerka xuriyada dhaqaalaha ee China waa 59.5, waxa ay ku jirtaa kaalinta 103rd halbeega xuriyada ee sannadkaan 2020. Halka heerka xuriyada ganacsiga iyo xaqa lahaansha hantida ay korortay darajo ah 1.1 sannadkaan, waxa ay ku jirtaa kaalinta labatanaad ee kala sareeynta 42 ee ku yaala gobalka Asia-Pacific.
Vietnam
Waa dhulkii saboolnimada, dagaalka iyo hardanka u dhaxeeya awoodaha aduunka, ha yeeshee uma aadan aqoon inay tahay mid ka mid ah dhaqaalaha ugu muhiimsan Asia, sida inay tahay meel nabad ah oo ka dhigan qiblada maalgashiga caalamiga ah, waxa ayba latartantaa dalweynaha shiinaha, waxa ayka timid inay ka mid aheed doowladaha ugu saboolsan aduunka, waxa ayba gaartay inay noqoto dhaqaalaha ugu muhiimsan Asia. Hadaba sidee buu ku suura galay hormarka vietnam.
Sannadkii 2001, Vietnam waxa ay heshiis isdhaafsiga ganacsiga la saxiixatay cadawgeedii hore iyo saaxiibkeeda cusub ee Mareykanka. Sidaa aawgeed Vietnam waxa ay gashay isku milanka labeenta Nidaamka shuuciyadda iyo dhaqaalaha hanti goosadka. Waana isku milanka shiinaha qudhiisa ku guuleeystay kaligii talisnimo hal xibsi ah iyo hormar dhaqaale.
Vietnam ma ahan wadan ku dhisan Tolawadaag, xuriyadeedu waxa ay u egtahay mid aan jirin, 44 sanno oo ay yihiin hanti wadaag waxaa soo maray shan madaxweyne oo kaliya, balse dhaqaalaheedu waa nool yahay, daqliga qofka Vietnam ee sannadkii waxa uu ku jiraa kaalinta sadaxaad aduunka oo dhan. Tirada shaqala'aanta ama baagamuudada waxa ay gaareeysaa 2.3% oo kaliya. Waxa ay ku jirtaa kaalinta 12aad aduunka oo dhan heerka tayada waxbarashada.
Ku dar wixii ka dhiman, ka sax wixii ka qaldan.
Wabilahi toowfiiq.
W/Q: Abdinasir Sulley

Aad iyo aad ugaas waa qormo cajiib ah oo aan wax badan ka faa,iiday guulayso sxb
ReplyDelete