Taarikh nololeedka:Xog-hayihii sadaxaad ee Qaramada Midoobay U Thant.
Taarikh nololeedka:Xog-hayihii sadaxaad ee Qaramada Midoobay U Thant. U Thant waxaa uu ahaa Xoghayihii sadaxad ee soo mara ururka Qaramada Midoobay, intii u dhaxeeysay sanadihii 1961-1971,waxa uu ahaa diplomasi u dhashay wadanka Burma,waxa uu dhashay January 22-1909,waxa uu ku dhashay magaalada Pantanow ee wadanka Burma,Aabihii waxaa lagu magacabaa Po Hnit, Hoyadiina waxaa lagu magacaabaa Non Thaung, Aabihii waxa uu ahaa qof waxbartay, waxa uuna ka mid ahaa shaqsiyaadkii ku lugta lahaa aasaasidii Burma research society iyo wargeeyska ( The Sun ), U Thant waxa uu lahaa sadax walaal oo wiilal ah. U Thant waxa uu galay dugsigii sare ee doowlada oo ku yiilay magaaladii uu ku dhashay ee Pantanow, waxa uu aha Arday aqoon badan, Ardayda saaxibadii ah waxa ay ku naaniisijireen filasoofar, markii uu jiray 14 sanno waxaa geeriyooday aabihii, U Thant iyo qooyskiisa waxaa soo wajahay dhaqaala xumo aad u baahsan, asiga oo eegaya xaalada maalyadeed ee qooyskiisa, waxa uu ogaaday ineeyna u...