Posts

Showing posts from July, 2020

Mushkilad saameeyn ku leh mustaqbalka iyo hab fikirka dhalinyarada, bulshaduna ayna ku baraarugsaneyn.

Image
waa maxay Qammaar? "Qammarku waa loolan kasta oo dhaqaalo lagu kala disho, oo aan ka aheyn loolanka fardaha iyo kan gentaasha (shiishka) lagu barto, sababtoo ah sharciga ayaa baneeyay nuucaas". kulan sport waa application ay leeyihiin dhallinyaro Soomaliyeed sida ka muuqada Astaanta iyo muuqaalada sharxaya qaabka loo isticmaalo Application kaan, waxa uu u shaqeeyaa hab online, waxa uuna ku shaqeeyaa qamaarka sida shirkada waaweyn qamaarka ee kala ah, draftking, 888 sport, betfair, fanduel iyo bet365. waxa aad dhiganeeysaa lacag, waxaadna saadaalineysaa cayaaraha dhacaya maalintaas ugu yaraan labo kulan, lacagta ugu yar ee aad dhigan kartaa waa (0.5 dollar), hadii ay saadaalinmtaadu guuleeysato waxaa heli doontaa lacag dheeri, lakiin hadii ay saadaashadu guuldareysato waxa aad weyn doontaa lacagtii aad dhigatay. diinta Islam ka waxa ay xarimtay Qamaarka, sida ku xusan aayadaha 90 iyo 91 ee suuratu Al-ma`ida, aayada 90aad waxa uu Allaah subxaanahu watacalaa noogu sheegayaa afar...