Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay (Security Council)
Waa mid ka mid ah lixda unug ee Qaramadea Midoobay, waxaa la aasasay sanadkii 1946, xaruntiisu waa magaalada New york ee wadanka mareykanka, waxa uu masuul ka yahay ilaalinta Nabada Caalamiga ah sida uu qabo Axdiga Qaramada Midoobay. Waxa uu ka kooban yahay 15 xubnood,5 googta ah iyo 10 laga soo dhaxdoorto 193 wadan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay. Shanta wadan ee joogtada ah ee ka tirsan Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay waxay kala yihiin. 1: Russia 2: British 3: China 4: France 5: United State Of America (USA) Asalka xubanaha golaha Amanka waxa ay ahaayen 11 xubnood, shan joogta ah iyo lix aan joogta aheyn, 1963 Talooyin ay soo jeediyeen General Assembly iyo wax ka badal lagu sameyay Axdiga Qaramada midoobay ayaa lagu siyaadiyay xubnaha golaha amaanka waxaana la gaarsiiyay 15 xubnood, tobanka xubnood ee aan joogtada aheyn sanad kasta waxa la doortaa shan xubnood, xubinkastaa muda xileedkeedu waa labo sanno. Tobankaas xubnood waxaa loo qeeybsa...