Shirka Guud ee Qaramada midoobay (United Nations General Assembly)
Shirka guud ee qaramada midoobay ( United Nations General Assembly) UNGA Ama GA, waa shirka aya sanad waliba ku kulmaan dhamaan hogaamiyaasha wadamada ku jira ururka Qaramada Midoobay, waa shirka kaliya ee xubnaha jamciyada Qurumaha ka dhaxeysa, ay ku helaan matalaad isku mid ah (equal representation). Waxaa la qabtaa sanad kasta dhamaadkiisa, waxaa lagu qabtaa magaalada New York ee wadanka Mareykanka, hada waxa madaxweyne ka ah Tijjani Muhammad-Bande oo u dhashay wadanka Nigeria.
Shirkii ugu horeeyay ee Qaramada midoobay waxa la qabtay 10-January-1946, waxaa la gu qabtay Methodist central hall, oo ku yaala magaalada London ee caasimada boqortooyada UK, waxaa ka soo qeyb galay 50 wadan, waxaa ka maqnaa Boland oo ka mid aheed saxiixayaashii Axdiga Qaramada Midoobay.
Shirkii labaad ee ururka waxaa la gu qabtay magaalada New York ee wadanka USA (United States of America ), halka shirkii sadaxaadna lagu qabtay maqalada Paris ee wadanka France.
Kadib waxa la sameey xarunta joogtada ah ee Qaramada Midoobay ee NewYork, waxa ayna noqotay halka ay sanad waliba ku shiraan dhamaan hogaamiyaasha dunida.
Awoodaha iyo shaqooyinka uu qabto shirka guud ee qaramada midoobay.
1: Waa ka fikirida iyo sameynta talooyinka mabaadiida iskaashiga ee ilaalinta nabada caalamiga ah, iyo amniga kuwaasoo ay ku jiraan hubka dhigista iyo qanuunka hubka
2: waa kawada tashi suaal kasta oo xiriir la leh nabada caalimiga iyo amniga, marka laga reebo murano iyo xaalado kuwaas oo loo bahan yahay inay ka doodaan Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay si ay uga sameeyaan talooyin.
3: Waa kawada tashi iyo sameynta talooyinka suaal kasta oo ku saabsan baaxada Axdiga, Awooda iyo Shaqada unug kasta oo ka tirsan Qaramada Midoobay.
4: Waa bilaabida daraasad iyo sameynta talooyin kuwaas oo saro loogu qaadayo iskaashiga siyaasada caalamiga ah iyo Ilaalinta xuquuqu aadanaha iyo xuriyada aas aasiga ahi oo dhan iyo Iskaashiga caalamiga ah ee dhaqaalaha, bulshooyinka, dhanqanka, waxbarashada iyo caafimaadka.
5: Waa sameynta talooyinka iyo dajinta nabad dhameystiran xalad kasta ayada oo aan loo egeyn asalka, si loo Ilaaliyo xiriirka saaxiibtinimo ee wadamada ururka
6: Waa helida iyo kafikirada warbixinada ka imaanaya Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay iyo xubnaha kale ururka.
7: Waa kafikirida iyo ansixinta miisaaniyada Qaramada Midoobay iyo deeqaha tabarucaada ah ee xubanaha ururka.
8: Doorashada xubnaha aan joogtada aheeyn ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, xubnaha Golaha dhaqaalaha iyo Bulshada iyo kudarida xubnaha Golaha xuriyad gaarsiinta haday noqoto lagama maarmaan iyo doorashda wadajirka ee Golaha amaanka ee garsooraha maxkamada caalamiga ah iyo talo soo jeedinta Golaha amaanka ee magacaabida Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.
Kudar wixii ka dhiman, ka sax wixii khaldan.
Wabilaahi Toowfiiq
Qore: Abdinasir Sulley

Comments
Post a Comment