Waa maxay diblomaasiyaddu, Farqiga u dhaxeeya Safaarad iyo Qunsuliyad, iyo Shaqada qofka diblomaasiga ah.

Diblomaasiyadda waa maamulida xariirka caalamiga ah ayadoo loo marayo wadahadal, sida uu qabo Oxford English Dictionary, bilaawga dibloomasiyadda casriga ah, waxa ay soo bilaabatay sanadkii 1648, kadib heshiiskii Westphalia, kaas oo lagu soo afjaray dagaal socday muddo 30 sanno ah, una dhaxeeyay wadamadii reer Europe.
Diblomasiyaddu waa xirfad la barto, waxaa loo bartaa sida fanaanku u barto muusigada. Diblomaasiyadda maanta jirtaa waxa ay noqotay qalabka lagu dhameeyo badi dhibaatooyinka waaweeyn ee ka jira dunidaan aan ku noolnahnay.
Dal diblomaasiyaddiisa iyo siyaasadiisa waxa ay guuleysan kartaa, marka uu leeyahay, diblomasiyiin ku xeel dheer fanka diblomasiyadda, kartina u leh inay dhaadhici karaan maskaxda iyo maanka dadka kale, siyaasada iyo diblomaasiyadda dalkooda.
Markii aan eegno xariirka diblomaasiyadda, sida uu qorayo qodobka labaad ee xeerka Veinna ee 1961, yeelashada xariirka diblomasiyadda ee dalalka iyo furitaan ergooyinka joogtada ah, waxa uu ku yimaadaa iyadoo labada dhinac ay arintu quseeyso ku heshiiyaan.
Taasi waxaa loola jeedaa in doowlad ay doowlad kale ku qasbi karin inay la yeelato xariir diblomaasi ama doowlad safaarad ka furan karin dal iyadoo jirin oggolaansho dhinaca kala ah
Ujeedooyinka diblomasiyadda waxaa ka mid ah, xoojinta xariirka doowlaha iyo Non-state actors, si ay door muuqda uga ciyaaraan, hagaajinta iyo nabadgalyada dunidaan foowdada ah (Anarchic world).

Sida uu qabo caalimka lagu magacaabo Berridge, shaqooyinka diblomaasiyadda waxaa loo kala qaadaa labo qeeybood.
Tan kowaad oo ah Communication iyo Negotiation. Iyo tan labaad oo ah, Intelligence gathering Image management iyo policy implementation.
Markii aan eegno diblomaasiyadda maanta jirtaa, waay ka duwan tahay, tii jirtay wixii ka horeeyay sanadkii 1960, kadib markii ay soo baxeeyn labada xeer ee Vienna, ee soo kala baxay sanadihii 1961 iyo 1963, labadaan xeer waxa ay nidaamiyeen habsami u socodka diblomaasiyadda caalamka, xasaanada ay leeyihiin diblomaasiyiinta, iyo shaqooyinka safaaradaha. Inkastoo maanta shaarka diblomaasiyadda ay ku hoos gambadaan shaqsiyaad ka tirsan hay'adaha sirdoonka caalamka, madaama aan la baareynin shandadaha ay wataan, ayada oo la xushmeeynayo xasaanada diblomaasiyiinta.

Waa maxay farqiga u dhaxeeya Safaarad iyo Qunsuliyad.
Safaaraddu waa ay ka weyntahay, kana muhiimsan tahay qunsuliyada, waa xariga ugu horeeya ee isku xiro laba doowladood, Safaaradda waxaa laga furaa oo kaliya, caasimada wadanka martida loo yahay, wadan waxa uu wadan kale ku yeelan karaa oo kaliya hal Safaarad, lakiin waxa uu ku yeelan karaa dhoowr Qunsuliyad.

Qunsuliyada waxaa lag furaa oo kaliya magaalooyinka waaweyn (Mitro cities), Safaaraddu waxa ay qabataa shaqooyin waaweyn, halka qunsuliyada ay qabato qeeyb yar oo shaqadaas ka mid ah.
Safaradda waxaa hogaamiyo safiirka, kaas oo ah qofka ugu darajada sareeya diblomaasiyiinta jooga wadankaas, safiirku waa afayeenka doowladii uu matalayay, halka qunsuliyada uu hogaamiyo qunsul guud, labadaba waxa laga soo wada magacaabaa wadankooda, inkastoo wadamada lagu kala duwan yahay cida magacaawda Safiirka iyo qusulka, sababtaasna waxaa loo tiiriyaa kala duwanashaha u dhaxeeya dastuurada wadamada.

Waxaa lagu kala maamulaa labo xeer oo kala, xeerka Vienna ee arimaha diblomasiyada ee soo baxay 1961 iyo xeerka Vienna ee arimaha qunsuliyada ee soo baxay 1963.
Sida danjiraha, Qunsulka guud isagana waa lamagacaabaa, waxaa la siiyaa warqada aqoonsiga ee Qunsulnimada. Eeg xeerka Vienna "Consular Affairs" Qodabadiisa kala ah 10, 11, 12, iyo 13. Marka uu tago dalkii loo magacaabay, Qunsulka guud waxa uu warqadiisa aqoonsiga u gudbinayaa wasaarada arimaha dibada, asigana waxaa la siinayaa warqad aqoonsi ah oo uu saxiixay madaxweynaha dalka loo magacaabay.

Sida nidaamku yahay hawsha Qunsulka guud waxa ay kusimantahay arimaha qunsuliyada "Consular Affairs". Arimaha diblomasiyadda shaqo kuma laha. Hadii uusan jirin Qunsul guud oo rasmi ah, koleyba hoowsha qunsuliyada waxaa mas'uul ka ah Safaaradda. Safaaradda labaduba way qaban kartaa, hase yeeshee Qunsulka Guud ee Rasmiga ah maqaban karo hawsha Safaaradda ee dhinaca diblomasiga .

Sida uu qabo qodobka 3aad, farqadiisada 1aad, ee xeerka Vienna 1961, waxa uu qeexayaa "Howsha Ergada Diblomasiga" waxa ayna u qoran tahay sida tan.
1) Inuu wakiil uga noqdo dalkiisa dalka uu joogo.
2) inuu ilaaliyo danaha dalkiisa iyo dadkiisa ee markaasi ku sugan dalka ay safaaradu ku taal, isaga oo tixgalinaayo xeerka ka dhaxeeya doowladaha aduunka.
3) in uu wadahadal lagalo doowlada uu la joogo.
4) isaga oo aan khilaafeynin sharciga u dagsan wadanka uu martida u yahay, inuu doowladiisa u tabiyo warbixino ku saabsan xaaladaha Siyaasadeed, dhaqaaladeed, bulshadeed IWM ee dalka uu joogo.
5) in uu kordhiyo xariirka saaxiibtinimo ee u dhaxeeya dalkiisa iyo dalka uu joogo iyo in uu hormariyo xariirka dhaqaalaha, dhanqanka iyo cilmiga ee u dhaxeeya labada doowladood.

Ku dar wixii ka dhiman, ka sax wixii ka qaldan.

Wabilaahi toowfiiq.

Qore: Abdinasir Sulley
=====================================

Comments

Popular posts from this blog

Maclumaad kooban: ururka iskaashiga Islamka (OIC)

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay (Security Council)

Kaligii-talisnimo hal xisbi ah iyo hormar dhaqaale.