Xogo ku saabsan: 15 garsoore ee Maxmakada Caalamiga ah Cadaalada ICJ. (Qeybta kowaad)

Xogo ku saabsan: 15 garsoore ee Maxmakada Caalamiga ah Cadaalada ICJ. (Qeybta kowaad)
=====================================

Qormadaan iyo labada qorma oo kale, waxaan ku eegi doonaa macluumaad ku saabsan 15 garsoore ee hada xubnaha ka ah maxkamada ICJ.

1) Abdulqawi Ahmed Yusuf

Waa qaareyn Soomaliyeed ahna madaxweynaha maxkamada caalamiga ah ee cadaalada ICJ, waxa uu ku dhashay degmada Eyl ee gobalka Nugal, Sanadkii 1948.
Waxa uu shahaadada heerka kowaad ka qaatay Jamacada umada Somaliyeed (Somali National University), waxa uuna ka bartay sharciga, waxa uu shahaadada heerka labaad Majisterka ku diyaariyay Qaanuunka Caalamiga (international law), waxa uuna ka qaatay University of Florence oo ku taalo dalka Talyaaniga,halka shahaada Phd uu ka qaatay machadka daraasadka caalamiga ah ee Geneva, waxa uuna ku diyaariyay isla qaanuunka caalamiga ah.
Abdulqawi waxa uu ku hadlaa luqadaha kala ah Somali, Arabic, English, French iyo Italian.
Abdulqawi waxa uu garsoorayaasha maxkamada caalamiga ee cadaalada ICJ, ka mid noqday 6-February 2009, waxa uu madaxweyne ku-xigeen ahaa intii u dhaxeeysay sanadihii 2015 ilaa 2018, 6-february 2018 markale ayaa dibloodoortay kadib markii uu dhameysatay sagaalkii sanno ee hore, isla maalintaas ayaana loo doortay in uu noqdo madaxweynaha maxkamada caalamiga ee cadaalada ICJ.

2) Xue Hanqin


Waa xubin ka tirsan garsoorayaasha maxkamada caalamiga ah ee cadaalada, sidoo kale waa madaxweyna ku xigeenka ICj, waxa ay u dhalatay wadanka China, waxa ay dhalatay sandkii 1955, Xue waxa ay diploma Qaanuunka caalamiga ah ka qaadatay jamacada Peking, isla sanadkii xigay waxa ay master of law ka qaadatay Colambia Law School.
Laga soo bilaabo 1980 ilaa 2003, Xue waxa ay ka shaqeeneysay qeybya heshiisyada iyo qaanuunka ee wasaarada arimaha dibada ee wadanka China, sandkii 1995 Xue waxa ay shahaadada PhD ka qaadatay isla Columbia Law School.
Xue waxa loo magacaabay safiirka China u fadhiya wadanka Netherlands intii u dhaxeysay 2003 ilaa 2008, isla bishii December ee sanadkaas waxaa loo magacaabay safiir kii ugu horeeyay ee china u fadhiisan doona Ururka Koonfur bari ee Qaramada Asia ( Association southeast Asian Nations).
29 jun 2010 Xue waxaa loo doortay inay ka midnoqoto Garsoorayaasha Maxkamada caalamiga ee cadaalada ICJ, si ay u buuxiso boos uu baneeyay Shi Jiuyong 28 may, 2010, kadib markii ay dhameystirtay waqtigii garsoorihii hore uu ka tagay, ayaa Xue waxaa dib loo doortay 6 February 2012.
Waa mid ka mid ah sadaxda haweeney ee xubnaha ka ah ICJ, sidoo kale waa mid ka mid ah afarta haweeney ee abid ka mid noqday garsoorayaasha Maxkmada Caalamiga ah ee cadaalada, Xue waa garsooraha shanaad ee reer china ah ee ka mid noqday Maxkamada ICJ.

3) Peter Tomka 

waa mid ka mid ah 15 garsoore ee maxkamada caalamiga ah cadaalada ee ICJ, waxa uu u dhashay wadanka Slovakia, waxa uu dhashay sanadkii 1956, waxa uu wax ku bartay kana soo shaqeeyayJamacada Charles University oo ku tiilay Magaalada Prague, waxa uu bartay Qanuunka caalamiga ah iyo xariirka caalamiga ah. shahaadada heerka kowaad bachelor degree waxa uu qaatay sanadkii 1979, halka shahaadadii labaad ee Majisterka uu qaatay 1981, PhD waxa uu qaatay sanadkii 1985.
Peter waxa uu kasoo shaqeeyay intii u dhaxeysay sanadihii 1986 ilaa 1990, waxa uu ahaa caawiyaha lataliyaha dhanka sharciga ee wasaaradii arimaha dibada ee Jamhuuriyadii burburtay ee Czechoslovakia, sidoo kale waxa uu noqday qunsul iyo lataliye sharci intii u dhaxeysay sanadihii 1991 ilaa 1992, sanadihii 1998 ilaa 1999, waxa uu noqday lataliye dhanka sharciga ee wasaaradii arimaha dibada ee Slovakia. Peter waxaa loo magacaabay wakiilka joogtada ah ee Slovakia u fadhi doona Jamciyada Qurumaha Ka dhaxeeysa shaqadaasi waxa uu haayay intii u dhaxeesay 1999 ilaa 2003.
Peter 6-February 2003 ayaa loo doortay inuu ka mid noqdo garsoorayasha Maxkamada ICJ, 6-February 2009 waxaa loo doortay madaxweyne ku xigeenkii Maxkamada ICJ, 6-February 2012, markale ayaa dib loogu doortay in uu kamid noqdo garsoorayaasha ICJ, isla maalintaas waxaa loo doortay Madaxweynaha ICJ, xilkana waxa uu haayay ilaa 6-february 2015.

4) Ronny Abraham


waa qareen u dhashay wadanka france basle ku dhashay magaalada Alexandaria ee wadanka Masar, sanadkii 1951,waa mid kamid ah 15 garsoore ee maxkamada caalamiga ah cadaalada, waa madaxweynihii hore ICJ, waxa uu bartay Public international law, waxa uuna wax ku bartay gudaha wadanka france.
Ronny waxa uu xubin nimada garsoorayasha maxkamada ICJ loo doortay 15-February 2005, si uu ubuuxiyo booska uu baneeyay madaxweynihii hore ICJ Gilbert Guillaume kaas oo iska casilay xubinimada garsoorayasha.
6-February 2009 Ronny ayaa dib loogu doortay xubinamada garsoorayaasha ICJ, kadib markii uu dhameystirtay waqtigii ka haray Gilbert Guillaume. Intii u dhaxeeysay 6-February 2015 ilaa 6-February 2018 waxa uu ahaa madaxweynaha maxkamada caalamiga ah cadaalada, isla 6-February 2018 ayaa dib loogu doortay xubin nimada garsoorayaasha ICJ, kadib markii ay dhamaatay sagaalkii sanno ee hore.
Ronny waxaa uu ka soo shaqeeyay Jamacada Panthèon-Assas University oo ku taalo magalada Paris iyo JamacadacTel-Aviv university, intii u dhaxeysay sanadihii 1986-1987 waxa uu ahaa caawiyaha agaasimaha dhanka sharciga ee wasaarada arimaha dibada ee wadanka France. Sidoo kale waxa uu ahaa lataliyaha dhanka sharciga ee doowladii france, sharciyada kala ah, public international law, European union law, international human rights law iyo law of Sea.

5) Mohamed Bennouna


Waa qabiir dhan ka sharciga iyo diplomacy u dhashay wadanka Marocco, waxa uu ku dhashay magaalada Marrakech, sanadkii 1943.
Mahomed waxa uu bartay sharciga iyo cilmiga siyaasada, waxa uu wax ka bartay Jamacada kala ah Universaity of Nancy iyo Sorbonne oo kuwada yaala Magaalada Paris ee caasimada wadanka France, sanadkii 1970, waxa uu diploma qaanuunka caalamiga ah ka qaatay Akademiyada Hague, labo sanno ka dib waxa uu shahaadada PhD ka qaatay Universaity of Nancy, waxa uu ku taqasusay qaanuunka caalamiga ah.
Intii u dhaxeeysay sanadihii 1973 ilaa 1984, waxa uu ahaa Professor wax ka dhiga Jaamacada Mohammed kii shanaad (Mohammed V University), waqtigaasi afar sanno oo ka mid ah waxa uu ahaa hormuudka kulyada qaanuunka.
Mohamed waxaa loo magacaabay wakiilka joogtada ah ee wadanka Morocco u fadhiyaJamciyada Qurumaha ka dhaxeeysa, intii u dhaxeeysay sanadihii 1998 ilaa 2001.
Mohamed waxaa loo doortay xubinnimada garsoorayaasha maxkamada caalamiga ee cadaalada ICJ, sanadkii 2006, markii uu dhameysatay sagaalkii sanno ee hore, markale ayaa dib loo doortay sanadkii 2014, dhamaadka waqtigiisa labaad waxa uu ku egyahay sanadka 2024.

Kudar wixii ka dhiman, ka sax wixii ka khaldan.

Wabilaahi toowfiiq

Qore: Abdinasir Sulley

Comments

Popular posts from this blog

Maclumaad kooban: ururka iskaashiga Islamka (OIC)

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay (Security Council)

Kaligii-talisnimo hal xisbi ah iyo hormar dhaqaale.