Nidaamka xisbiyada badan, ma mideeyaa misa waa kala geeye. Bulsho qabiilka qabyaaladeysan qaran mooday.

Nidaamka xisbiyada badan, ma mideeyaa misa waa kala geeye. Bulsho qabiilka qabyaaladeysan qaran mooday.
======================================

Sida uu qabo qodobka 1aad, ee Dastuur ku-meel gaarka ah, ee jamhuuriyada Federalka Somalia, dalku waxa uu ku dhisan yahay nidaamka xisbiyada badan. Taas oo macnaheedu tahay, in dalku uu yeelan karo labo xisbi wax ka badan, oo aanan xad la heyn.

Bulsho aan cashar ka qaadan taktadoodii.
::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::

Sagaal sanno oo aan aheyn doowlad Talawadaag ah, ayaan dabaqnay nidaamka xisbiyada badan. Bulsho aan waqtigaasi dhameyn shan mliyan ayaa sameeysatay ku dhawaad 80 xisbi. Taas oo keentay in jilib kastaahi yeesho hal xisbi ugu yaraan.

Soomaaliya kuma cusbo isticmaalka qabiilka qabyaaladeysan dhanka siyaasada iyo kicinta dadweynaha. Tusaale, tobankii sanno ee aan ku jirnay maamulkii wasaayada, xisbiga SYL waxa uu loolan adag kala kulmayay HDM 《Hisbiga digil iyo mirifle》, kadib markii uu soo baxay qodob sheegaya in xisbi uunan qaadan karin magac qabiil, ayaa waxaa isbadal lagu suubiyay, magacyada Digil iyo Mirifle, waxaana lagu badalay《Dastuur iyo Madaxbanaani》, si loo ilaaliyo soo gaabintii aheed HDM, English ahaan magaca xisbiga waxa uu noqonayaa 《Somali independent Constitition party》.

Jilib kastaa waxa uu sameeysay xisbi, si uu u helo matalaad siyaasi ah, kadib markii qabiilada qaar ay dhoor xisbi yeesheen, waxaa meesha ka baxay isku duubnidii qabiilka. Waxaa abuurmay, xisbiyo wato magac qabiil, kuwaas oo dib loogu yagleelayo midnimadii qabiilka. Waxaana ka mid ahaa Xisbiga midawga abgaal, kii Moobleen iyo midkii biyamaal. Sida ku qoran buuga uu qoray Proffesor Xussein Abdi cilmi ee ah " Hanaanka Dastuurka iyo Aragtida doowlad dhisida Somalia."

Waqtigaan xisbiyada sida ku-meel garka ah ay u diwaan galiyeen Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka waa 76 xisbi, "Inta aan xog ogaalka u ahay." Badankood shaqsiyaadka hogaamiyo waxa ay ka soo jeedaan Maamul gobaleedyada kala ah, Galmudug, Hirshabeele, Koonfur galbeed iyo Gobalka Banaadir. Maamul gobaleedyada Putland, Jubaland iyo South west, waxa ay mamnuuceen in xisbi ka furto xarun dhulalka ay maamulaan.

Sida uu qabo qodobka 6aad ee "sharciga xisbiyada siyaasada" Xarafkiisa 《C》, waxa uu qeexayaa sharuudaha laga rabo Xisbiga waqtiga Diwaan galinta Rasmiga ah. Taas oo ah in uu keeno "Saxiixyada 10 kun oo codbixiyaal ah iyo inuu Xarumo ku leeyahay 9 gobal oo ka mida, 18 gobal ee jiray wixii ka horeeyay 1991." Shuruudaani waa ay adagtahay in laga dhaqan galiyo, Maamul gobaleedyada ismooday Doowladaha Madaxbanaan, hadii aan laga heshiin isfahan waaga u dhaxeeya Doowlada Dhexe iyo maamul gobaleedyada.

Nidaamka xisbiyada badan waxa uu dhiirigalin doonaa ku dhaqanka qabiilka qabyaaladeeysan, waayo bulshadu malaha wacyi siyaasi ah, waa ay fududahay in siyaasiyiintu isticmaalaan kicin dadweeyne ayagoo isticmaalaya Qabiilka, inta lagu guda jiro Ololaha doorashada. Inkastoo Sharciga Doorashooyinka Qaranka heer Federal uu mamnuucay ololaha nuucaasi ah, hadana waa ay adag tahay Xakameeynta ku dhawaad 100 xisbi uu dalku yeesho.

Nidaamkani waa ay adagtahay in hal xisbi helo "Majority Vote", waxa uu horseedaa deganaasha la'aan siyaasadeed, sabtoo ah xisbiga hela cododka ugu badan, si uu u helo Majority Vote, waxa uu isbaheysi 《Coalation》 laga layaa xisbi kale, si ay usoo wada dhisaan Xukuumada. Hadii xisbigii xukuumada la soo dhisay uu ka baxo isbaheysiga, waxaa burburayo xukuumada, dalku waxa uu galayaa deganaasho la'aan siyaasadeed, waxa laqabanayaa doorashooyin ka soo hormara waqtigoodii.

Dalku mala hay"ado adag oo hoowsha sii wadi kara, markii ay xaladu xumaato, dhaqaalaha wadanku waa uu liitaa, sidoo kale waxaa adkaan doonto xakameynta xisbiyada faraha badane, qaabka ay olalaha uga layaan, meelaha ay taageerada ka helayaan, gudaha iyo dibada. Dalku ma awoodo inuu dhaqaalo siiyo xisbiyadaas faraha badane, hadii dhaqaala ka waayaan gudaha, waxa ay u raasan doonaan shisheeyaha, arinkaasne waxa uu khatar ku noqon doonaa amniga iyo jiritaanka ummada Soomaliyeed.

Ku dar wixii ka dhiman, ka sax wixii la khaldan

Wabilaahi toowfiiq

Qore: Abdinasir Sulley

Comments

Popular posts from this blog

Maclumaad kooban: ururka iskaashiga Islamka (OIC)

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay (Security Council)

Kaligii-talisnimo hal xisbi ah iyo hormar dhaqaale.