Macluumaad ku saabsan: Urur Gobaleedka IGAD

Macluumaad ku saabsan: Urur Gobaleedka IGAD
●●●●●●●●●●●●●●●●●●●●●●●●●●●●●●●●●●●


Urur gobaleedka IGAD, hay`ada xukuumiga ah ee hormarinta, igad waa urur gobaleed (Regional Organization) oo ay ku mideeysan yihiin, wadamada dhaca bariga afrika, Aasaasida igaad labo marxaladood ayeey soo martay, markii ugu horeeysay waxaa la asasay 1986,waxaana lagu magaacaabi jiray Intergovernmental Authority on drought and development, IGADD, fikrada urur gobaleedka igaad waxaa lahaa madaxweynihii hore ee Djibouti, (AUN) xassan guuleed abtidoon, magacbixinta marxaladii labaad ama magaca hada loo yaqaano waxa ay aheed 1996, kaas oo ahaa Intergovernmental Authority on development, IGAD, xarunta ururka waa magaalada jabuudi ee wadanka Djibouti. Luqada rasmiga ah ee ururka waa English, IGAD waxaa lagu aas'aasay heshiis ka kooban 24 qodob.

sideed dal ayaa xubna ka ah igaad, sideedaas dal ee uu ka kooban yahay ururku, waxay kala yihiin afar dhacada geeska afrika oo kala Somalia, Ethiopia, Eritrea, iyo Djibouti, iyo afar dhacda daafaha wabiga niil oo kla ah Sudan, South Sudan, Kenya iyo Uganda, waxaa aasasay uruka lix wadan oo kala ah Somalia, Ethiopia, Sudan, Uganda, Kenya, iyo Djibouti, Eritrea ayaa ku soo biirtay uruka 1993, lkn waxaa laga joojiyay xubinamada ururka (Suspended) sanadkii 2007, kadib markii lagu eedeeyay inaay taageerto kooxihii jihaadiyiinta Soomaliya, kuwaas oo dagaal ba'an kula jiray Doowladii ku meelgaarka aheed ee uu hogaaminayay AUN madaxwryne Abdulahi Yusuf Ahmed oo taageero ka heliya doowladii Ethiopia.
Eritrea markale ayeey dib ugu soo labatay ururka sanadkii 2011, dowladii ugu danbeeysay ee ku soo biirtay uruka waxa ay aheed koonfurta sudan sanadkii 2011, markii ay ka go`day sudaan inteeda kale.

Intii udhaxeeysay sanadihii 1974-1984 abaaro xun ayaa ku dhuftay mandiqada bariga afrika , waxaana isi soo taray cabsida laga qabo in musiibooyin dhacaan, degaankana saxaro isku badalo taas oo keentay fikrada ah, in la aas aso urur gobaleed hadafkiisu yahay, ladagaalanka saxaraha iyo iyo ka qeeyb qaadashada hormarinta deeganka .
Ujeedka ururka urur gobaleedka igaad waa. Samafalka iyo ilaalinta deegaanka, ilaalinta nabad galyada iyo xoojinta xuquuqda insaanka, iskaashiga dhaqaalaha wadamada xubnaha ka ah ururka.

Qaab dhismeedka urur gabaleedka IGAD waxa uu ka kooban yahay: Afar awoodood oo kala ah, Jimciyada ugu sareeysa oo ah madaxda doowladaha xubnaha ka ah ururka, waana awooda ugu sareeysa igaad, masuulkana ka ah, dajinta siyaasada ururka, sanadkii halmar ayeey kulmaan, Awooda labaad Golaha wasiirada oo ah gudiga fulinta IGAD waxa uuna ka kooban yahay wasiirada arimaha dibada doowlada xubnaha ka ah ururka, hoowshooduna waa waxqabadka iyo dajinta miisaaniyada ururka ,Awooda sadaxaad Gudiga safiirada oo ah safiirada jooga Djibouti ee xarunta ururka ee u fadhiya ee dowladaha igaad , waxa ayna kulmaan markii xaalad soo kororto, Awooda Afaraad sakrateerka guud, waxaana madax looga dhigaa qof uu soo magacaabay golaha madaxda igaad, waxa uuna xilka hayaa mudo afar sanno ah, oo la cusbooneeyn sii karo, hada waxaa ururka xoghaya guud ka ah mudane Workneh Gebeyehu waa siyaasi iyo diplomacy u dhashay wadanka Ethiopia, waxa xilkaan loo doortay 29 November 2019, waxa uu badalay mudane Maxbuub macalin oo ahaa diplamasi soomaliyeed, kana soo jeeda gobbalka ay keenyaatigu uyaqaanaan NFD ee soomaaliyeed.

Shirkii ugu danbeeyay ee urur gobaleedka IGAD ee lagu qabto magaalada muqdisho waxa uu ahaa, shirkii 28 ee aan caadiga aheyn(Extraordinary Summit) kasoo oo ay kasoo qeeyb galeeyn madaxda wdamada xubnaha ka ah ururka, waxa uu dhacay shirkaasi 13 September 2016, waxa shir gudoominayay reysawsaarihii wadanka Ethiopia ee Hailemarian Desalegn, shirkaasi waxaa goob joog ahaa madaxweynaha martida loo yahay ee xasan sheikh maxamuud, madaxweynha kenya ee uhuru kenyatta, madaxweynaha uganda ee yoweri museveni wasiirka arimaha dibada ee wadanka jabuuti Mahamuud ali yuusuf kaas ka wakiil ahaa madaxweyne ismaciil cumar geele, safiirka sudan ufadhiya somalia mudane yuusuf abdiraxmaan kaas oo ka wakiil ahaa madaxweynihii hore ee wadanka sudan cumar xasan al bashiir iyo Xoghayihii hore ee ururka mudane maxbuub macalin.

Kudar wixii ka dhiman, ka sax wixii ka khaldan.

Wabilahii Toowfiiq

Qore: Abdinasir Sulley

Comments

  1. Mahadsanid Abdinasir sulley, sida aad noola wadaagtay Qoramadaan Qurux badan iyo hab qoraaleedka wanaagsan. waxaa kula talin lahaay inaa magaca Urur Goboleedka IGAD oo marar badan soo noqday inaa Capital ka dhigto si ay dadka u fahmaan.

    ReplyDelete
  2. Shuran walal, waan ka dhigayaa insha Allah

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Maclumaad kooban: ururka iskaashiga Islamka (OIC)

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay (Security Council)

Kaligii-talisnimo hal xisbi ah iyo hormar dhaqaale.