Dimuquraadiyadda iyo dunida muslimka ah.
Waa maxay nidaamka Dimuquraadiyadda? Tiirarka Saldhiga u ah, iyo ma dhabbaa dimuquraadiyadda ay reer galbeedku la doonayaan dunida mislimka ah?.
"Dimuquraadiya ma ahan hormarka la hiigsanayo, ee waddo la maro oo kaliya, markii laga eego dhanka cilmiga" Sidaa waxaa yiri madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdoğan.
Dimuquraadiya waa mid ka mid Nidaam xukun siyaasadeedka dunidaan ka jira, waana midka ugu badan ee doowladaha dunida ay isticmaalaan, kaligii-taliyaha, ha'aado Boqor ama Military waxa uu jecel yahay in nidaamkiisa loogu yeero Talowadaag. Macnaha dimuquraadiya waxa ay tahay in dadku ay doortaan hogaamiyahooda ama matalahooda.
Dimuquraadiyada labo ayaa loo qeeybiyaa.
Dimuquraadiyad toos ah: waa talowadaag ay dadku toos ugu codeeynayaan siyaasadaha doowlada, waxa ay go'aamiyaan ama saameyn ku yeeshaan natiijooyinka soo baxa. Sida Brexit referendum.
Switzerland ayaa ah tusaalaha naadirka ah ee dabaqay talawadaaga tooska ah, muwaadiniinta wadankaas wax ay awood u leeyihiin inay ka qeeyb qaataan doorashooyinka, iyo ansixinta siyaasadaha doowladaha hoose, gobalada iyo doowlad gobaleedyada.
Dimuquraadiyadda Matalaada: waa talowadaag ay dadku ku dooranayaan shaqsiyaadka ku matalaya hay'adaha doowlada, dadkuna waxa ay la xisaabtami doonaan shaqsiyaadkii ay doorteeyn.
Tusaalaha ugu wanaagsan ee dimuquraadiyadda matalaada waxaa ah wadanka Mareykanka oo muwaadiniinta dalkiisa ay doortaan madaxweynaha, xubnaha labada aqal ee sharci dajinta, saraakiisha doowladaha hoose iyo kuwa gobalada.
Tiirarka saldhiga u ah dimuquraadiyada waxa ka mid ah.
1) Muwaadiniinta inay doortaan, badalaan doowlada ayaga oo u maraya doorasho xur iyo xalaal ah.
2) Muwaadiniintu inay noqdaan ka qeeybgalayaal firfircoon dhanka siyaasada iyo arimaha bulshada.
3) Ilaalinta xuquuqu aadana ah
4) Sinaanta Sharciga
Ma dhabbaa dimuquraadiyada ay reer galbeedku la doonayaan dunida muslimka ah misa waxa ay la shaqeeyaan cidii ay dantooda ka arkaan.
Bal eeg labadaan xaqiiqo ayaga ayaa kuu iftiimin doono danaha mareeykanka iyo xulufadiisa.
● Sanadku waa 1953, mareykanka waxa uu riday uuna baabi'iyay Xukuumadii Mohamed Musadaq oo ahaa reysawasaarihii ugu horeeyay ee Iran ee la doorto guud ahaan Soyaalka wadanka, waxa uuna mareykanka awoodda iyo xukunka Iran ku soo celiyay Mohamed Reza Pahlavi "Shah" si uu xukunka wadanka ugu qabto gacan bir ah, sidaas awgeed Iran waxa ay noqotay saldhig mareykanku leeyahay oo waliba ka mid ah kuwa ugu horeeya gobalka, ridista iyo baabi'inta nidaamkii talowadaaga ahaa ee I Iran, dhab ahaan waxa ay ka dhigneed cadeyn hordhac ah oo muujineysa sida ay u egyihiin talooyinka Mareykanka ee bariga dhexe kuwaas oo leh "hadii ay ikala dooran siin lahaayeen shidaalka iyo dimuquraadiyada waxa aan dooran lahaa shidaalka." Inkastoo sanadkii 1979, Iran ay ka baxday jeebka mareykanka kadib markii uu guuleeystay kacaankii Iran ee uu hogaaminayay Ruhollah Khomeini.
● July 3, 2013 waxaa la afgambiyay AUN Mohamed Mursi oo ahaa madaxweynihii ugu horeeyay ee shacabka Masarida ay doorteyn sooyaalka. Waxaa afgambiyay wasiirkiisii gaanshaan dhiga Abdel Fattah el-sisi, waxa uu gumaaday taageerayaashii ururkii Ikhwaanul Muslimiin ee Mohamed Mursi, ayada oo ay xaadir yihiin doowladaha ilaaliya mabaadiida dimuquraadiyadda, ayaa kaligi-taliye afgambiyay doowlad rayad ah ayaa waxa uu xabsiga dhigay madaxweynihii ku yimid codka shacabka ilaa uu xabsiga uu ugu dhintay asigoo ah geesi aan garab helin.
Wiriyihii Aljazeera ee waqtigaasi joogay Masar Jamal Elshayyal ayaa weeydiiyay kaliyihii arimaha dibada ee madaxweyne Mursi, Khaled Qazzez "Safiirka mareykanka ee Masar joogo ma ogaa wadahadalada u dhaxeeyay Madaxweyne Mursi iyo Abdel Fattah El-sisi?.
"Haa, sawirka Mareykanka wuu iska caddaa, safiirku mareykanku waxa uu yiri qofka jamhuurku doonayaan waa Abdel Fattah El-sisi".
Maxaa loo burburiyay Iraq, Afghanistan, Syria, Libya iyo Yamen ayadoo kaligii-taliye afgambiyay doowlad rayad ah uu gudoomiye ka yahay ururka Midawga Afrika (African Union)?
Ku dar wixii ka dhiman, ka sax wixii ka khaldan.
Wabilaahi toowfiiq
W/Q: Abdinasir Sulley
Comments
Post a Comment