Qaanuunka caalamiga ah doowlad muxuu u yaqaan? Xaqa ay leedahay iyo waajibaadka saaran
Sida uu qabo, qodobka 1aad, ee xeerka xuquuqda iyo waajibaadka doowladnimo ee Montevideo. Qaanuunka caalamiga ah Doowlad waxa uu u yaqaan wixii laga helaa afar shardi oo kala ah.
1: "Dhul xuduudeed sugan" oo leh
2: "Dad dagan" oo sameeysatay
3: "Maamul" leh
4: "Madaxbanaani" arimaha gudaha iyo dibada, awoodna u leh inay xariir la yeelato doowlada kale.
Doowladaha dunida ka jira, waa ay kala duwan yihiin nidaamyadooda siyaasadeed, Talawadaag ama kali-gii taliye, boqortooyo ama urur diimeed. Saas oo ay tahayne midkastaahi waxa uu leeyahay afartaa astaamood.
Bayaanka xaqa iyo wajibaadka doowladnimo ee soo baxay, sanadkii 1949, laguna ansixiyay fadhigii ugu horeeyay ee golaha guud ee Qaramada midoobay. Waxa uu ka kooban yahay 14 qodob, afar kamida waxa lagu cadeeyay xaqa ay leedahay doowlad kasta, tobanka kalane waxa lagu sheegay waajibaadka saaran doowlad kasta. Qodobadaani waxa laga soo kala qaatay 《Qabya qoraalka Panamanian iyo Axdiga Qaramada Midoobay》.
Xaqa qaanuuniga ah ee doowlad kasta leedahay
Qodobka 1aad: Doowladkastaa waxa ay xaq u leedahay madaxbanaani iyo inay u isticmaasho si xur ah, ayadoo aynan doowlad kale wax u yeerineynin, dhamaan awoodaha sharciga oo ay ku jiraan, xulashada nuuca nidaam doowladeed ee aad yeelaneyso.
Qodobka 2aad: Doowlad kasta waxa ay xaq u leedahay, inay u isticmaasho xukunkeeda guud ahaan dhulkeeda iyo dhamaan shaqsiyaadka iyo ashyaada ku dhax sugan. Markii laga reebo shaqsiyaadka uu qaanuun caalami ah cadeeyay xasaanadooda. Sida 《Diblomaasiyiinta iyo saraakiisha ururada caalamiga ah》.
Qodobka 5aad: Doowlad kastaahi waxa ay xaq u leedahay sinaan lamida doowladaha kale, markii lajoogo qaanuunka caalamiga ah.
Qodobka 12aad: Doowlad kastaa waxa ay xaq u leedahay kiligeed ama wadajir inay u difaacdo nafteeda kana hortagto cidaanka soo weeraray.
Waajibaadaka qaanuuniga ah ee saaran Doowlad kasta
Qodobka 3aad: Doowlad kastaa waxa waajib ku ah inaay ka waantoowdo faragalinta arimaha guduha iyo kuwa dibada ee doowladaha kale.
Qodobka 4aad: Doowlad kastaa waxaa waajib ku ah inay ka waantoowdo dhulalka doowladaha kale inay ka huriso dagaal sokeeye iyo inay ka hortagto ururada ka dhax shaqeeya dhulkeeda ee hurinayaa dagaalada sokeeye ee doowladaha kale.
Qodobka 6aad: Doowlad kasta waxaa waajib ku ah inay ula dhaqanto si wanqagsan dhamaan dadka ku hoos nool xukunkeeda ayada oo xushmeeyneyso xuquuqu aadanaha iyo xuriyada aasaasiga ah, ayada oo aanan lagu kala saareeynin isirka, jinsiga, luqada iyo diinta.
Qodobka 7aad: Doowlad kastaahi waxaa waajib ku ah inay hubiso xaaladaha ka jira dalkeeda inaysan dhaawaceeynin nabada iyo kala dambeynta caalamiga ah.
Qodobka 8aad: Doowlad kastaa waxaa waajib ku ah inay waddo nabadeed u marto xalinta muranada kala dhaxeeye doowladaha kale ayada oo aanan dhaawaceeynin cadaalada, amniga iyo nabada caalamiga ah.
Qodobka 9aad: Doowlad kastaa waxaa waajib ku ah inay ka waantoowdo dib u soo celinta dagaal ayada oo loo isticmaalayo aalad ahaaan siyaasada Qaramada iyo inay ka waandoowdo hanjabaada ama isticmaalka awood lagu wajahaayo sharafta dhuleed ama madaxbanaanida siyaasadeed ee doowladaha kale ama qaab kasta oo kale oo ha hor imaanaya qanuunka caalamiga ah iyo nidaamka.
Qodobka 10aad: Doowlad kastaa waxaa waajib ku ah inay ka waantoowdo siinta caawimaad doowlad kasta ee ku xad-gudubtaa Qodobka 9aad, ama wajaheeysa ficil ka hortag ah ama awood ciidan oo uga imaaneysa Qaramada Midoobay.
Qodobka 11aad: Doowlad kastaa waxaa waajib ku ah inay ka waantoowdo aqoonsiga dhulkasta oo ay yeelato doowlad kale taas oo ku xadgudubtay Qodobka 9aad.
Qodobka 13aad: Doowlad kastaa waxaa waajib ku ah inay si daacadnimo leh ugudato waajibaadka kasoo baxo heshiisyada iyo ilaha kale ee qaanuunka caalamiga ah, lagamana yaabo shuruudaha ku jira dastuukeeda ama sharciyada kale in marmarsiyo looga dhigo fulin la'aanta waa jibaadkaasi.
Qodobka 14aad: Doowlad kastaa waxaa waajib ku ah, xariirka ay la yeelaneyso doowladah kale inay waafajiso qaanuunka caalamiga ah iyo inay ilaaliso mabaadiida madaxbaanida ee doowlad kastaa taas oo ah waxa ugu sareeya qanuunka caalamiga.
Kudar wixii ka dhiman, ka sax wixii ka khaldan.
Wabilaahi toowfiiq
W/Q Abdinasir Sulley

Comments
Post a Comment