Safarkeygii 《Muqdisho ilaa mareeg》Qeybta 1aad.
Mareeg waa degaan qadiimi ah oo saaran badweynta hindiya, waxa uu ku yaalaa bariga degmada Ceel dheer ee gobalka Galgaduud, waxii ka horeeyay xuriyadii, Mareeg waxaa loo aqoon jiray inta u dhaxeeysa Bud Bud, Masagawaay ilaa Degmada Xaradheere ee gobalka mudug. deegaan weynaha Mareeg waxa uu taarikh facweyn ku leeyahay guud ahaan gayiga Somaalidu degto, waayo waxaa ku dhashay labo kamida 13 SYL, kuwaas horseed u haa in Somaalidu iska qaado heeryada gumeysiga. waxayna kala ahaayeen Gudoomiye ku-xigeenkii ururka Maxamed Xirsi Nuur (Sidii) iyo Maxamed farax hiloowle. Mareeg waxa ay aheed marsadii sadaxaad ee Gumeeystihii Talyaniga.
waxa uu ahaa safar degaan barasho, oo aan u uga talaabay soohdinta sadax gobal si aan u gaaro magaaladii aan ku dhashay ee Masagawaay, si aan farxadda ciidda ula soo qaato hooyo, ilmaha iyo qaraabada. waxaa tagitaanka magaaladeyda iigu dambeysay shan sanno ka hor, ( 10 sanno oo aan waxbarasho u joogo Muqdisho). Talado 28 july, goor subax ah sacaduna ay tahay 6:30 Am, waxaan ka dhaqaaqnay aniga iyo masaafir kale oo aan wada soconay, Suuqa labaad ee muqdisho, ee Suuq bacaad, waxaan wadanay gaari nuucisu yahy Toyota land cruiser VDJ78 Hardtop, Somaaliduna ay u taqaan"Haartoob". waxaan ku socdaalnay wadada dhanka bari uga baxda magaalada muqdisho. darawalka gaariga waday ayaan ka codsaday in Sacada Kiiloow mitirka (KM) uu eber geeyo si aan usii kala barto masaafooyinka ay isku jiraan degmooyinka iyo tuulooyinka aan safarka kumari doono, waxaa inoo bilaawday safar qaadan doono 10 sacadood, oo aan uga taalaabi doono 300km, waxa aynu mari doonaa waddo 15 km wax aan kabadneyn jaay ka eh laami warkiiba daa, oo waligeedba laguma dayin.
markii aan gaarnay xaafada jamhuuriya ee degmada kaaraan, waxaan kadaba tagnay gaari kale oo aay isku nuucyihiin gaariga aan wadano, waxa uu usocday magaalada Galcad ee gobalka galgaduud, waa ay is agaranayeen labada darawal, darawalka kale waa ayku cusbeed wadida gaari nuucaan ah, sidoo kale ma uusan aheyn wadayaqaan, waxa uu caawimaad ka rabay darawalka anaga waday, waan ka hormarnay, asiguna wuu nadaba socday, waxaan gaarnay magaalada Ceel macaan oo 30 km u jirta caasimada anaga oo lacag kasoo dhiibnay shan isbaaro, noogana baxday $86, Ceel macaan waa magaalo aan wax hormar ka muuqaan, bilideeduna uu baabiyay bacad, umana muuqan magaalo School leh, waxaan hareerta wadada indha heyga qabteyn xarun hooyada iyo dhalaanka (MCH) bilic wanaagsane ayeynan ka muuqan, waqtigaasna waa`ay xirneed madaama goor subax ah aan soconay,waxaan gudaha magaalada naga sii raacay gaari kale oo nuuciisu ahaa Nissan frontier, Somaaliduna ay u taaqaano "Qooqan", waxaa saarnaa darawalka oo kaliya, waxa ay waday ku dhawaad 30 jirigaan oo shidaal ah, waxa ay u socotay masagawaay oo laga lahaa gaariga.
qayaastii 9:00 Am subaxnimo ayaan gaarnay degmada Warshiiq oo 60 km ujirta magaalada muqdisho, malaheyn muuqaal dagmo, inkastoo ay tahay magaalo taarikh fog leh, hadane dayac ayaa ka muuqday, dhanka midig ee jidka waxaa ka muuqday sal dhig boliis oo aad moodo guri nusboos ah, gaarigu muu istaagin magaalada, in kastoo soo noqoshadeynii aynu salada duhur ku dukanay magaalada, mar aynu dhaafnay warshiig ku dhawaad 5 km, ayaa garigii nala socday darawlkiisa waxa uu taleefonka kasoo wacay darawalkii nawaday, waxa uu ka codsaday in uu sugo, asiga waa sugyay, markii uu naga daba yimid ayuu noo sheegay in gaarigii Qooqanta ay lugi kabaqday, darawalkii galigiis ahaana uu caawin u baahan yahay, darawalkii ina waday waxa uu usoo jeestay rakaabkiisii waxa uu ku yiri " gaariga halaabay waxa laga leeyahay masagawaay, qaraabada ayaana leh ma aadaa misa waan katagnaa" rakaabkii waa ay kula qeeybsameyn, darawalkiina go`aan ayuu qaatay oo dib ayuu soo laabatay, ku dhawaad 13km ayaan u soconay gaarigii lugta beelay, lugtii ayaan lafurnay, iskoordadii ayaan u aaryeynay, waana kula xirnay, shuferkii ina waday ayaa dhiggiisi kale u sheegay in uusan ka dhaxbixin labada gaari, xawaarahana uu wax ku darro, mar kale ayuu lugtii kale qarxiyay meel u dhaw markabka qadiimiga ah ee ka xageeya degmada Warshiiq. waxa uu ahaa shufeyr dhalinyaro ah, waa ina fasaxay madaamada iskoorda kale uu san wadan lugaha aynu wadanane ayne u xirmin, Xamar ayuu luga kale kasoo dalbaday, masagawaay waxa uu yimid galabtii xigtay asigoo talefonkii iyo jiscinkiiba laga soo dhacay.
gaariga oo xawaare sare ku socdo ayaan gaarnay dhulka bacaadka ah ee bashaqle, darawalka kuma uusan ogeyn halkaasi isbaaro, waa goob yar oo ay bacaad iyo geed yaduud isku kaashadeyn, geedaha dhaxdooda ayeey teendho yar ka dhisteyn, mid ayaga ka mid ayaa kusoo gambaday geed wadada dhinaca mid ka saran, shufeyrku waxa uu ka arkay meel aan fogeyn, halmar ayuuna bareeg qabtay, waxa uu ku yiri "Nagadaa qoriga, baabuurta kale waxa ay dhiibaan waan dhiibayaahe" labadii baabuurba lagac ayeey ka qaateyn, kagadaalne waa ay nafasaxeyn, waxa ay ahaayen maleeshiya beeleed meesha isbaaro dhigatay.
barqadii malay ay tahay 11:00 Am ayaan gaarnay degmada cadale ee gobalka shabeelada dhexe, waxa ay caasimada muqdisho u jirtaa 145 KM, waa degmo qadiimi ah, kuna taala goob istiraatiiji ah, waxa dhinaca ku heysaa badweynta hidiya, waxa ay caan ku tahay geedaha dhaadheer ee Shoowriga. waxa ay ka mid aheed degmooyinkii la geeyay dadkii ay saameysay abaartii dabadheer ee dalka guud ahaan ku dhufatay sanadkii 1974, si ay badweytaasi uga soo saartaan nolol maalmeedkood. hadda waa magaalo ay dadkeedi dayaceyn, kama muuqan wax hormar, magaalada iyo biyaha badda waxa u dhaxeeya oo kaliya xeebta yar ee lamaro, sidaas oo ay tahayne maqaayadaha kama heleysid, wax malaay ah, oo aan ka aheyn midka gasacaadeysan ee dibadaha laga keeno, waxa ay indhaheygu qabteyn labo school oo kale oo kala ahaa dugsiga hoose, dhexe ee November iyo dugsiga hoose, dhexe iyo sare ee Cadale, midka dambe waxa uu ahaa dhisma qadiimi ah, umana ekeeyn mid hadda shaqeeya. 11:40 Am, ayaan ka baxnay degmada Cadale, kagadal markii aan ka quraacanay, waana soohdinta ugu dambeysa ee lagu arkayo Ciidan doowlad ku abtirsada ama maleeshiya beleed isbaaro u taalo. 145 KM ee Muqdisho ilaa Cadale waxaa gaariga uga baxday $94 oo isbaaro ah.
W/Q: Abdinasir Sulley

Comments
Post a Comment