Qarankii Shanta Cudur Qabay: Faalo
Insha Allah qormadaan iyo qormooyinka xiga waxaan uga hadli doonaa shan cudur oo hadii aan la daaweyn ugu yaraan sadax ka mid ah uuna qaran soomaliyeed ku dhismi doonin, midnimo warkeeda iska daaye.
Cudurka kowaad ee uu ka dhismi layahay qaran soomaliyeed waa nidaamka Afar dhibic shan(4.5).
Dr badiyoow waxa uu yiri "waxaan ka mid ahaa aqoonyahanadii joogay shirkii carta ee 2000, waxaan u sheegnay ergadii joogtay shirkii carta in nidaamka afar dhibis shan(4.5) ayna ku dhismeynin doowlad somaliyeed, lakiin waxaa loo arkayay xalka kaliya ee waqtigaas."
Waa maxay nidaamaka Afar dhibic shan(4.5).
Waa saami qeybsi siyaasadeed oo ku dhisan qabiil, kulansadayna dulmi, gardaro iyo quursi, waa afar qofood oo dhameystiran iyo qof haaf eh, taas oo macnaheedu tahay qofka hawiye, kan daarood, midka digil & mirifle iyo kan dir weysimanyihiin lakiin wixii ka soo haro qof ma dhamo.
Waa sinaan la'aan iyo sadbursi labaantan jirsaday weline ay doowlad soomaliyeed ku dhismin.
Horay ayaa loogu maahmaahay "Hal booli ah, Nirig xalaal eh ma dhasho" iskadaa in dowlad soomaliyeed lagu dhisee waxaa halkaa ku dhintay is aaminaadii umada, sababtoo ah markii hore qar dadka lagu tilmaamay inayna qof dhameyn, ayaa horay bulsho ahaan loo tagooray, sida Guurka iyo Magdhawga, hadana waxaa loogu daray takoor siyaasadeed iyo mid dhaqaale.
Bal aan idin su'aale qof dhulkii uu ku dhashay lagu takooray muxuu dareemi karaa? Qof dhaqaale, bulsho iyo siyaasad ahaanba la takooray ma wadani ayuu noqon karaa?
Prof. Omar Enow (AUN) ayaa yiri "waxaa jira caqiida dhaqameed oraneysa Jareer, Madhibaan, ama Gabooye ma guursan karaan Soomalida kale,maxay sababtu."
Sidoo kale waxa uu yiri "waxaan macalin ka ka ahaa jamacada york ee dalka Canada waxaan arkay arday Somaliyeed oo ka cabanaya cunsurinimo, waxaan ku iraahdaa kusoo dhawaada dunida dhabta ah, sababtoo ah anigu waxaan qabaa tababar aad idinku isoo siiseen markii aan dalkii joogay, waxaad ka cabaneysaan aniga jab doolsha ah iigama duwana, xataa hal maalin oo kaliya cunsuriyad kuma dareemin Canada, waayo idinka ayaa horay ii tababaray."
Dadka la takooray 95% waa dadka ugu nadiifsan, uguna qaska iyo qalalasaha yar, inta ugu badan waa xalaal quudato, waayo isbaaro uma taal umadana ma dhacaan, kama qeeyb qaadan burburinta wadanka, waana dadka ugu badan ee leh farsamada gacanta, sida dhismaha, tumida biraha, iyo tolida kobaha.
"Waxaan ku shaqeysanaa waa farsamada gacanta, waxaadna nagu ceyneysaan inaa farsamada naqaano, kabahaa laguu tolay, boorsaa laguu sameeyay, waad xushmeyneysaa talyaniga kobaha iyo boorsada tolo, lakiin kan soomaliga ee kula joogo ee kabaha, midiyaha iyo biraha farsameeya si joogta ah ayaad u takooreysaa, ma isweydiisay horta weli qof aqli leh ma tahay. Jaban iyo china gabay laguma dhisin ee waxaa lagu dhisay teknolojiyad. Toknoolojiyada waxaa lagu sameeyaa gacanta" sidaa waxa yir AUN prof. Omar Enow
Dunida marki la doonayo in dal la burburiyo waxaa laga dhaxraadiyaa qolooyin ka cabanaya cadaalad daro, waayo cadawga wadanka ayey ka miciin badaan, kuwii ad wadadhasheyn ee takooray ayagoo is leh, hadii aad garabsiiso oo ay guuleystaan matalaad ayaad ka heleysaa, quursiga iyo takoorida waad ka baxeysaa oo mid la tirsado ayaad noqoneysaa, ma fiirinayaan hadafka cawadga, waayo adiga ayaa idhahaas ka xiray,. Bal aan tusaaleyo dhamaan jabhadihii burburiyay dalka waxa ay ka cabanayeeyn cadaalad daro, maamulka dalka in laga fogeeyay siyaasad iyo dhaqaala ahaanba. Gabi ahaan waxa ay maciin bideyn inay hooy ka dhigtaan dariska dadyooyga soomaliyeed ay u aqoonsanyihiin cadawfa midnimada Somali waana Ethiopia. Sitaasi la mid ah Jabhaduhii Oromo iyo tigre waxa ay hooy ka dhigteyn Somalia, si ay duulaan ugu qaadaan Regime Ethiopia, intooduba waxa ay ka cabanaayen cadaalad daro dhinacyo badan.
Digniin
Inta midkii aan wadadhalanay ee diinta, luqada, dhaqanka iyo taarikhda intaba aan wadaagno, aan quursaneyno, takooreyno, dileyno ama gubeyno cadaaladi ma jirto, mar hadii cadaalad lawaayo nabadi ma jirto. Inta mid helaayo matalaad siyaasi, dharagsanyahay ama magdhaw helaayo. Halka mid kale la yahay matalaad siyaasi, baahi u dhimanayo, magdhawna heleynin nabad hasugin.
Prof Dalxa ayaa yiri "hadii qof diriskaaga ah uu gaajeesan yahay, hurdo fiican inaad hurudaa wey adagtahay; inaad basashaada carafteeda aniga sanka iga soo gasho hebeen waliba, anigana aan meesha gaajo la jiifo, nabad inaad ku seexato ha sugin."
Talo
Nidaamka afar dhibic shan (4.5) kuma imaanin afti dadweyne ama cod sanduuq lagu riday, wayna fududahay in labadalo kaliya waxa ay ubaahan hogaamiye u arko in nabadu ay ku hoos jirto sinaan cadaalad ku dhisan oo bulsha loo sameeyo, markii aad fiiriso siyaasiyiinta somaliyeed ee la hadlaya bulshada, dhamaan waxa ay ka mideynsan yihiin oraahda ah "Afar dhibic shan (4.5) qaran soomaliyeed kuma dhismayo." lakiin waa afka oo kaliye uurka ma jiro, waayo ayaguba nidaamkaan ayeey ku yimideyn kursiga. Kursigana bulshada looguma adeegee, waxa ay ku ilaashadaan danaha mashaariicdooda, ilaa inyar moyee oo ilaahey xaqa tusiyay. Nabadu waxa ay nooga hoos jirtaa sinaan cadaalad ku dhisan oo bulshadeyna u sameyno.
Su'aal
Yaa lahaa aragtida Afar Dhibic shan (4.5)? Waxaan su'aashaan weydiinayaa ergadii iyo aqoonyahanadii joogay shirkii carta ee 2000, ma waxa ay aheed aragti ka dhaxtimid bulshada Somaliyeed misa banaanka ayeey nooga timid. Jawaabta su'aashaan ayeey idinkaga fadhiyaan dhalinyaradii aad mustaqbalkooda ku ciyaarteyn labaantankii sanno ee lasoo dhaafay.
Wabilaahi toowfiiq

Shukrn wll,4.5 wa sax afti dad weyne looma qadin blse xlda lagu jiray xiligaas surta gal meynan ahyen in afti dad weyne la helo.
ReplyDeleteAniga waxan u arkaa in 4.5 uu yahay habka kaliya lagu so wadi karey somalia.
Dalka wuxu galay xld bur-bur.
Somalida shirar badan ay galen kadib jabuti ba laysku wada tagay 200 argtidan ba laysla aatay 4.5 xiligas ki awoda laha iyo kii aan wax door ah ku lahayn saamiga siyasada ba masirka dalka wada hoganshay.
4.5 ma mudno in la dhaliilo oo laga so qado mid somali dan u ahyn xalka kaliya lagu wada joogo hada aya ah 4.5.
Wey jirta in dad nool lagu tilmaamy .5 ayad tihiin aan naqdinayo wey jirta.
Kan hubka laha kan tabarta darna waxa ay kubwada jogan hada wa 4.5
Su'aasha ah ya u kenay 4.5 somalida?
Argtideyda waxey tahy somali ba dortay somali ba xal u argty somali ba u argty midka lagu wada jogi karo somali ba ku hishiisay
Gunannad: 4.5 hadi loogu talagay in marxalad looga gudbo 20 sano baan wadnay so lagama guri karo, oo mala keni karo si kale aan kusi wada joogi karno qarnkena an dib ugu dhisan karno
Aqoonyahanka somaliyed oo 200 u arky 4.5 in lagu wada joogi karo baa loga fadhiyaa hab aan habkan ahyn