Maclumaad kooban: ururka iskaashiga Islamka (OIC)
Ururka Iskaashiga Islaamka (Organization of Islamic Cooperation-OIC), waa urur doowli ah, waxaa la aas`aasay sanadkii 1969, magaalada Rabat ee caasimada wadanka Morocco ayaana lagu aas`aasay, kadib markii ay ciidamada Yahuudu ay weerareyn masjidka barakeysan ee Qudus.
waa ururka labaad ee ugu xubnaha badan dunida marka laga soo tago Qaramada Midoobay. OIC waxaa xubna ka ah 57 doowladood oo dadkooda (Akhlabiyada) ay muslimiin yihiin marka laga reeba 10 doowladood.
OIC waxaa aas`aasay 32 doowladood, 25 kalane dib ayeey uga soo biireeyn, taas oo ka dhigeeysa wadarta guud 57 doowladood.
Ujeedooyinkii loo sameeeyay Ururka
Sida uu qabo cutubka kowaad, qodobkiisa 1aad, ee Axdiga lagu aas`aasay OIC, ujeedooyina loo sameeeyay ururka waxaa ugu muhiimsan dhoowr ujeedo.
1: In saro loo qaado, lana xoojiyo isku xirnaanta walaaltinmada iyo midnimada ka dhaxeysa doowladaha xubnaha ka ah.
2: In la taageero, lana awoodsiiyo shacabka falastiiniyiinta si ay u hantaan xaqooda aayakatashiga iyo in ay sameeysaan doowlaad madaxbanaan oo caasimadeedu tahay Qudus, ayada oo la ilaalinayo taarikhda iyo meelaha astaanta u ah Islaamka; sida Goobaha barakeysan.
3: In saro loo qaado xariirka ka dhaxeeya dowladaha xubnaha ka ah OIC, ayada oo lagu saleeynaayo cadaalad, xushmad iyo diris wanaag, si loo xaqiijiyo nabad, amni iyo wadanoolasho caalami ah.
4: In saro loo qaado, lana hormariyo cilmiga iyo tiknoolajiyada, lana dhiirigaliyo cilmi-baarista iyo in doowladuhu iska kaashadaan dhinacyadaan.
5: In la xushmeeyo xaqa ay doowladkastaahi u leedahay in ay aayaheeda ka tashato, ayada oo aan la fara galineynin arimaheeda gudaha iyo in la xushmeeyo madaxbanaanida, xuriyada iyo midnimada dhuleed ee doowladaha xubanaha ururka.
Hay`adaha uu ka Kooban yahay OIC waxaa ka mid ah: Islamic summit, The council of foreign ministers CFM, the general secretary iyo the Al-Quds Committee iyo three permanent committes. Sidoo kale waxaa jira hay`ado qaas eh sida, Bangiga hormarinta Islamka.
Caqabada soo wajahay ururka waxaa ka mid:
In ay ku fashilmeeyn in shacabka falastiiniyinta ay u sameeyaan doowlad madax banana oo caasimadeedu Qudus.
In ay wax ka qaban waayeyn xalada murugsan ee ka jirta Gobalka Kashmir.
Dagaalka lagula jiro ururada isku magacaabay jihaadiyiinta balse reer galbeed ku ay u yaqaanaan argagixiso. Dagaalkaan socdo muudo nus qarsni waxa uu burburiyay dunida Muslimka dhamaan dhinacyada nolosha, OIC waa ay awoodi weysay inaay xal u keenaan arintaan.
OIC wax fal celin oo muuqata kama sameyn xasuuqii loo geysatay shacabka Rohingya ee laga soo bara kiciyay wadankoodii Myanmar. Sidoo kale kama aynan hadal dhaqan roga iyo dabar gooynta lagu haayo shacabka Uighur ee ku nool dalka shiinaha.
Kudar wixii ka dhiman, ka sax wixii ka khaldan.
Wabilaahi toowfiiq.
W/Q: Abdinasir Sulley

Well prepared, Abdinasir
ReplyDeleteThank you
Delete