Hordhac: Jamciyada qurumaha ka dhaxeeysa
Qaramada midoobay waa urur caalami ah taas ay ku mideeysan yihiin 193 wadan oo ku kala yaala dunida dacaladeeda.
waxaa la aas asay 24-octobar 1945 kadib markii uu dhamaaday dagalkii labaad ee dunida, waxaa aas asay 51 wadan, waxaa lagu aas asay magaalada Santiago ee wadanka mareykanka.
fikrada ururka waxaa ay dhalatay intii lagu guda jiray dagalkii labaad dunida, markii uu dhamaaday dagaalkii labaad ee dunida ayaa hogaamiyaashii dunida waxa ay is weydiiyeen sida lagu ilaalin karo nabada caalamka loogana hortagi karo dagaal ka dhaco dunida mar kale
Qofkii ugu horeeyay ee isticmaala magaca ( united nations ) waxa uu ahaa madaxweynihii mareeykanka ee Franklin D. Roosevelt sanadkii 1942 lakiin nasiib xumo waxa uu geeriyooday intii aan la sameynin ururka.
Ujeedooyinkii loo aas aasay qaramada midoobay, waxaa ugu muhiimsan afartaan qodob
1: ilaalinta nabada dunida
2:hormarinta xariirka saxiibtinimo ee wadamada caalamka
3: in laga wada shaqeeyo caawinta dadka saboolka ah iyo in la dhiiri galiyo xushmada, xuquuqda aadanaha iyo xuriyada
4:in la sameeyo xarun dhexe taasoo wadamada ka caawisa siyeey ugaaraan hadafyadooda
lix luqad ee rasmiga ah ee qaramada midoobay waxa ay kala yahiin.
1: Arabic
2: Chinese
3: English
4: French
5: Russian
6: Spanish
Qaab dhismeedka ururka qaradamada midoobay. Waxaa ugu muhiimsan lixunug oo kala ah:
1: shirka guud( General Assembly)
2: Golaha amaanka( Security council )
3:Golaha dhaqaalaha iyo bulshada (Economic and Social council)
4: Golaha xuriyad gaarsiinta (Trusteeship council)
5: Maxkamada caalamiga ah ee cadaalada (International Court Of Justice)
6: Xoghaya haguud( general secretary)
Insha Allah mid mid ayaan uga hadlidoonaa
Xoghayaashii soo maray urarka Qaramada
Midoobay waxa ay ahaaayeen sagaal xoghaye, afar kamida waxa ay u dhasheeyn Qarada Yurub, labo waxa u dhasheeyn qarada Afrika, labo kale waxa ay u dhaasaheyn Qaradweynta Aasiya, halna waxa uu u dhashay Koonfur Ameerika.
1: Trygve lie (Norway)
2: Dag Hammarskjöld (Sweden)
3: U Thant (Myanmar)
4: Kurt Waldheim (Austria)
5: Javier pares De Cuellar (Peru)
6: Boutros Boutros Ghali (Egypt)
7: Kofi Annan (Ghana)
8: Bank moon (South Korea)
9: Antonio Guterres (Portugal)
Insha Allah Taarikhdoooda mid mid ayaan dul istaagi doonaa, qaar badan oo ayagga ka mida ayaa leh, Taarikh nololeed dhiiri galin leh
Wabilahi toowfiiq
Qore: Abdinasir Sulley

Mahadsanid walaal❤🙏
ReplyDeleteMashalh ustaad mahadsanid waxyaabo badan baad noo aftiimisey inshalh waan kula socon doonaa anigana iga warhaay👍❤
ReplyDelete